Turkiga iyo Liibiya oo shuruud adag ku xiray joojinta xabada ay ku wadaan Maleeshiyaadka Khalifa Xaftar.

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Wasaarada Arimaha Dibada Turkiga ayaa sheegtay in xukuumada Liibiya ay shuruud adag ku xirtay joojinta xabada ay ku wadaan Maleeshiyaadka Khalifa Xaftar ayagoona sheegay ineysan joojin doonin xabada hadii maleeshiyaadka Khalifa Xaftar aysan isaga bixin magaalooyinka Sirta iyo Al-Jufra una laaban khadkii heshiiska ee Sukheyraat.

Wasiirka arimaha dibada Turkey Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in wax heshiis ah dhici doonin marnaba inta Maleeshiyaadka Xaftar ay ku suganyihiin magaalooyinka Sirta iyo Al-Jufra.

Wasiirka ayaa wuxuu cadeeyay in xukuumada Liibiya ay ku adkeysaneyso sii waditaanka howlgalada ay ku sifeynayaan maleeshiyaadka Khalifa Xaftar inta ay ku suganyihiin magaalo xeebeedka Sirta iyo magaalada Al-Jufra oo uu ku yaalo saldhig Milatari muhiim ah.

Wasiirka ayaana sidoo kale sheegay in Turkiga ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada Liibiya, hadii uu Khalifa Xaftar wadahadal doonayana laga rabo inuu shuruudahaas kasoo baxo.

Liibiya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay ka socday dagaalo culus oo u dhaxeeyo xukuumada Liibiya oo garab ka heleyso Turkiga iyo Maleeshiyaadka Janaral Khalifa Xaftar oo ayagana dhankooda taageero ka helaayo dalal badan oo ay kamid yihiin Imaaraatka, Masar, Ruushka iyo Sacuudiga.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII