Toogasho Ka Dhacday Muqdisho Oo Loo Geystay Cadaawe Cabdulle Farey

Koox Hubeysan ayaa waxay Habeenimadii Xalay Ku Dileen Magaalada Muqdisho Cadaawe Cabdulle Farey oo ka mid ahaa dadka rayidka ah.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada arjentiin Ee Degmada Kaaraan,waxaana dilka fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado kadib toogashadana baxsaday.

Marxuum Cadaawe Farey ayaa inta laga yaqaanay ahaa Wiil ka mid ahaa Dhalinyarada Xaafadaasi balse Shaqo kale uu si hoose uqaban jiray oo loo beegsaday lama oga.

Eheladiisa waxay sheegeen inaysan aqoon cida dishay wiilkooda waxaana ciidamada Dawlada ay gaareen meesha dilka kadib mana jirin wax dad ah ay dilka uqabteen.

Inta badan dilalka ka dhaca Muqdisho ma jirto cid si rasmi ah loogu tiiriyo inay fuliso,mararka qaar dad aan Al Shabaab aheyn ayaa geysta oo Shabkado dilalka ka shaqeysta sida lasoo tebiyey oo dano gaar ah la isku khaarajiyo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here