Thomas Tuchel oo soo saaray Xidig loo arko Van Dijk xiga ee Horyaalka Premier League

Thomas Tuchel ayaa da’yarka Xavier Mbuyamba u dalacsiiyay kooxda koowaad ee Chelsea, sanad kaddib markii uu ku soo biiray kooxda xiligii Blues ee Frank Lampard.

Chelsea ayaa u dhaqaaqday sidii ay ula soo wareegi lahayd da’yarka xagaagii hore ka dib markii laga soo fasaxay Barcelona .

Tan iyo markaas wuxuu bilaabay inuu ku soo barbaro akadeemiyadda Chelsea ka dib markii uu ka gudbay dhibaato bilow ah oo ka soo gaadhay dhaawac jilibka ah.

Daafaca ayaa shabaha xiddiga reer Holland Virgil van Dijk, wuxuuna xitaa xiiseeneysay Liverpool waqti aan sidaa u sii fogeyn.

Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa sidoo kale soo bandhigay xiisaha xidigan iyadoo sidoo kale Liverpool ay ku jirto.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here