Thomas Tuchel oo Magacaabay Xidiga noqon kara Kabtanka kooxda Mustaqbalka dhow

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay sida saxeexa cusub ee kooxdiisa ee Romelu Lukaku uu u noqon karo kabtanka kooxda ee mustaqbalka dhaw.

Chelsea ayaa xalay guul kale oo weyn soo gaadhay kaddib markii ay kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Tottenham kaga soo adkaatay 3-0 ciyaar ay si weyn ugu soo raaxaysteen xiddigaha tababare Nuno Espirito Santo.

Blues ayaa saddexda gool ee ciyaartaas kasoo kala heshay Thiago Silva, N’Golo Kante iyo Antonio Rudiger iyadoo ay waliba xusid mudan tahay inay goolal intaas ka badan soo dhalin karayeen.

Mid kamida xiddigaha Blues ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan ayaa ah Romelu Lukaku oo lacag 115 Milyan oo euro ah ugu soo laabtay Stamford Bridge xagaagan, 28 sano jirkaas ayaa dhammaan kulamadii uu kooxda usoo ciyaaray shabaqa gaadhay marka laga yimaado ciyaartii xalay iyo midii Liverpool.

Thomas Tuchel ayaa sheegay in Lukaku uu u ciyaarayo sidii kabtan oo kale walow uu xusay inuu haatan haysto kabtano wanaagsan iyadoo ay doorkaas haatan ugu jiraan Cesar Azpilicueta iyo Jorginho.

“Haa, waxaan filayaa inuu noqon karo (Kabtan), isagu waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo aad u baahantahay si aad kabtan u noqoto, balse waxaanu haysanaa kabtano cajiib ah sidaas darteed uma baahnin inaanu taas ka hadalno haatan, isagu sida kabtan oo kale ayuu u dhaqmaa tanina waa mid dhab ahaan ka muhiimsan inaad haysato calaamada kabtanimada”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com