Thomas Tuchel oo Ka Hadlay Xidigaha Ka Maqan Chelsea Kulanka Manchester City iyo Kuwa dib u soo laabtay

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa ka warbixiyay Xaalada Dhaawac ee Kooxda ka hor Kulanka Manchester City.

Chelsea waxaa ka maqnaan doona Mason Mount kulanka Sabtida ay la leeyihiin Manchester City laakiin goolhaye Edouard Mendy ayaa soo laaban doona.

Thomas Tuchel ayaa shaaca ka qaaday in Mount uusan ciyaaridoonin dhaawac fudud oo kasoo gaaray kulankii Aston Villa ee Carabao Cup bartamihii isbuuca.

‘Waa dhakhso,’ Tuchel ayaa yidhi. ‘Wuxuu sameeyay horumar ballaaran laakiin kuma filna inuu diyaar u ahaado kulanka Beri’.

Christian Pulisic ayaa sidoo kale seegi doona kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan kooxda ay horyaalka ku xafiiltamaan ee City madaama uu u dagaalamayo inuu taam buuxa noqdo laakiin Chelsea ayaa ugu yaraan u yeeri karta Mendy, kaasoo ka soo laabanaya dhaawac wuxuuna badali doonaa Kepa Arrizabalaga Stamford Bridge.

Ugu Danbeyn ayuu ka Hadlay Heshiiska Silva waxana uu sheegay in Kubada aysan ku xirneen Da’da hadalkaan ayuuna sheegay Xili Silva isbuucaan uu Buuxiyay 37 sano Jir.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com