Thierry Henry oo Sheegay Qorshaha bilyaneerka Spotify Daniel Ek ee Kooxda Arsenal

Halyeeyga Arsenal Thierry Henry ayaa ku adkeystay aasaasaha Spotify Daniel Ek inuu weli xiiseynayo inuu la wareego kooxda.

Labadan nin ayaa lagu arkay tarabuunka Emirates si ay u daawadaan kulanka derbiga waqooyiga London axadii, kaas oo ay Arsenal ku badisay 3-1.

Henry wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee taageeray inay kooxda la wareego bilyaneerka reer Sweden bishii May.

Laakiin dalabkiisa £ 1.8billion ayaa waxaa diiday milkiilaha Gunners-ka ee Stan Kroenke.

Henry, oo ka hadlayey Sky Sports ka hor kulanka Crystal Palace iyo Brighton, ayaa yiri: ” Si aad u gaarto halkaas waxaad u baahan tahay inaad hesho qof ka jawaaba dhinaca kale.

‘Isaga, annaga, waxaan halkaan u joognaa inaan sii joogno. Wax wadahadal ah ma jiro hadda.

‘Waxaan u maleynayaa inay sii dheeraan doonto, laakiin waxaan halkaan u joognaa inaan sii qorshahaasi. “

Sportsmail ayaa daaha ka qaaday in Elk uu diyaar u yahay inuu bixiyo wax ka badan £ 2bn kooxda kadib markii la diiday dalabkii hore ee ahaa 1.8bn.

Ek ayaa hore u sheegtay in milkiilaha Gunners ee Kroenke uu u sheegay in qoyskiisu ‘aysan u baahnayn lacagta’ markii uu isku dayay inuu iibsado kooxda markii ugu dambeysay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com