Thiago Alcantara Oo Helaya Lambarka Maaliyadeed Ee Uu Jecel Yahay Haddii Uu Ku Biiro Liverpool Xagaagan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Thiago Alcantara ayaa dhaxli kara maaliyada uu ugu jecel yahay haddii uu ku biiro Liverpool xagaagan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wax walba waxay u muuqdaan kuwa ku socda wadadii saxda aheyd iyadoo Liverpool iyo Thiago ay labaduba doonayaan in heshiiska la dhameystiro bilaha soo socda.

Thiago wuxuu haatan Bayern Munich u xirtaa maaliyada No.6, iyadoo lambarkaas uu Liverpool u xirto daafaca dhexe Dejan Lovren.

Advertisements

Laakiin xiddiga reer Croatia ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro ku biiritaankiisa kooxda Zenit St Petersburg ka dib markii uu doorashada afaraad ka noqday Anfield.

Liverpool ayaa ku iibineysa daafaca dhexe 10.9 milyan ginni iyadoo lacagtaas loo adeegsan doono lacagta lagu soo xerogelinayo Thiago.

Kaliya intaas ma ahan, bixitaanka Lovren waxa ay sidoo kale la micno noqon doontaa in maaliyadiisa No.6 inay iyadana faaruq soo noqon doonto.

Thiago hal sanno ayaa uga hartay qandaraaskiisa Bayern Munich, mana qorsheynayo inuu cusbooneysiiyo.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kalsooni ku qaba inuu u wareegi doono Liverpool, waxa uu dhawaan xitaa iibiyay gurigiisa ku yaala Jarmalka. Laakiin Bayern Munich ayaa xaqiijisay inaysan weli wax dalab ah u helin Thiago Alcantara.

Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa yiri shalay oo Khamiis aheyd:

“Wuxuu doonayaa inuu baxo xagaagan. Laakiin waa inaan si daacad ah u sheego, lacagta ay saxaafada isla dhexmareyso waa mid aad ugu qoslo” ayuu yiri Rummenigge.

“Bayern Munich xaraash ma sameyn doonto xagaagan. Kaliya waxaan iibin doonaa haddii lacagta ay tahay mid sax ah.”

Si kastaba, Rummenigge ayaa xaqiijiyay in Thiago uu doonayo inuu baxo isagoo yiri: “Agaasimaha isboortiga Hasan Salihamidzic ayaa wadahadal la yeeshay Thiago, rajo ayaan ka qabnay qandaraas cusub laakiin Thiago wuxuu u sheegay Hasan inuu jeclaan lahaa inuu wax cusub isku tijaabiyo”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII