Tareenka Liverpool Oo Mar Kale Jiiray Arsenal Ka Dib Qaladaad Ka Dhacay Daafaca Gunners

Labada koox ayaa ku bilaabay ciyaarta qaab deg degsiimo leh balse guud ahaan Liverpool ayaa biloowgii maamulka kubadda ku wacneyd waliba cadaadis saareysay Arsenal , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga sedexaad ee horyaalka Ingiriiska .

Arsenal waxaa ku adkaa in kubadda ay cagtooda ku daahiyaan ayna si sax ah kubadda uga fogeeyaan aagooda iyaga ayaana u nugulaa in looga hor maro goolka koowaaad .

Liverpool , kubadooda waxa ay ka socotay garbaha waxa ayna aad ugu wacnaayeen kubadaha laga dhisayay qadka dhexe halka daafac ahaan ay wacnaayeen oo durba waa ay kala jarayeen kubadaha Arsenal .

Goolhayaha Arsenal ayaa dhowr kubad u diiday in shabaqiisa ay gasho xilli daafaca Arsenal ahaa mid adag oo waxa ay u muuqdeen kuwo kaliya ciyaaraya kubad daafac ah waxa ayna ku tiirsanayeen kubadaha rogaalka celiska ah .

Daqiiqaddii 33-aad Nicolas Pepe ayaa fursad ka qasaariyay Arsenal xilli qaladka ugu weyn ee ka dhacayay weerarka Arsenal uu ahaa in ay sameynayeen deg degsiimo ka bad badis ah taasi oo keeneysay in go`aanno qaldan ay gaaraan.

Arsenal daafac isku xeran ayay soo bandhigeen ugu dambeyntiina gool madaxa ah ayaa laga dhaliyay ka dib kubad koorno aheyd waxaana labad xididg Arsenal ah ka dul kacay Joel Matip oo shabaqa dhigay daqiiqadii 41-aad , waxaana muuqaneysa mar kale in ciyaartooyda Arsenal ku adag tahay la macaamiladda kubadaha hawada ah .

Soo laabashadii , Liverpool durba gool labaad ayay helaan waxaana rigoore u dhaliyay Salah ka dib qalad uu sameeyay Davuid Luiz waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 49-aad
Ka dib goolkaas , Arsenal fursad ayay iska cuneen balse guud ahaan waa laga ciyaar wacnaa , waxaana loogu daray gool sedexaad oo cajiib ah waxaana dhaliyay Salah kaasi oo farsamo cajiib ah ku soo maray David Luiz waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 59-aad

Arsenal si isbadal u keenaan waxa ay soo giliyeen Lucas Torreira oo loo badalay Ceballos waxa ayna aheyd daqiiqadii 61-aad balse guud ahaan Liverpool ayaa maamulka kubadda haysatay oo waliba laga filan karay goolal dheeraad ah

Ka dib dhacdooyinkaas , ma jirrin wax laag qoro ciyaarta oo kubadda Liveprool ayaa kubadneyd waxa uuan tababare Klopp daqiiqadii 69-aad soo giliyay James Milner oo lo badalay Georginio Wijnaldum.

Arsenal dhamaadkii waxa ay isku dayayeen in kubadda gaarsiiyaan goosha Liverpool balse si sax ah uma aysan tageyn waxa uuna Klopp fursad siiyay Alex Oxlade-Chamberlain oo daqiiqadii 77-aad loo badalay Mane halka Arsernal daqiiqadii 81-aad soo giliyeen Alexandre Lacazette oo loo badalay Willock waxa ayna keeneen gool uu dhaliyay Lucas Torreira daqiiqaddii 85-aad .

Si kastaba , Arsenal waxaa loogu dhameeyay sedex gool iyo hal waxa ayan Liverpool sidaas ku sii wataan guulaha waa weyn ee ay ka gaarayaan kooxdaas ka dhisan waqooyiga London

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here