Taliyaha guud ee ciidamada Amisom oo ku wajahan Kismaayo

Tigabu Yilma Taliyaha guud ee ciidammada Amisom ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Socdaalka Taliyaha ayaa yimid kadib markii muran iyo isjiid jiid fara badan laga dareemayo arrimaha doorashada Jubbaland iyo khilaafka soo kala dhexgalay Jubbaland iyo ciidamada Itoobiya.

Shalay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo laga celiyey diyaarad ay leeyihiin ciidmaada AMISOM gaar ahaan Itoobiya.

Taliyaha Guud ee Cidiamada AMISOM ayaa la filayaa in marka uu tago Kismaayo uu kulan la qaato madaxda ugu sareysa ee Maamulka Jubbaland, islamarkaana uu dhameeyo khilaafkii shalay soo kala dhex galay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Itoobiya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here