Tabaraha Barcelona oo iskaga Baxay Shirka Jaraa’id ee Maanta

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa warbixin ka akhriyey shirkii jaraa’id ee Barcelona  ee maanta kaddibna si degdeg ah uga kacay kursiga oo iskaga baxay, xilli la is weydiinayo waxa kusoo kordhay.

Ronald Koeman oo uu saaran yahay culays badan, isla markaana la sheegayo in shaqada laga caydhinayo haddii uu natiijo wanaagsan ka keeni waayo ciyaarta Khamiista ee ee Cadiz ee horyaalka LaLiga oo ah midda uu ku xidhan yahay mustaqbalkiisa, waxa uu maanta sii kordhiyey hadal-haynta ah in aanay waxba u oollin Camp Nou oo uu ka tegayo.

Tababaraha reer Netherlands oo Barcelona joogay hal xilli ciyaareed ayaa qaab xun ku bilowday sannadkiisii labaad oo ula kowsaday xilli ay kooxda ku habsatay dhaqaale xumo oo ay lumiyeen ciyaartoydoodii waaweyn.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com