Tababarihii xulka kubada cagta Somalia isku casilay cabsi Al-shabaab uu ka qabo darteed

Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa sida ay warbaahintu kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

Hayford wuxuu sheegay inuu xilka isaga casilay nabad galyo xumada iyo weerarada Al-shabaab islamarkaana uusan ku laaban doonin magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu xasuustaa inuu Soomaaliya u horseeday guushii ugu horaysay is reeb reebka Koobka Adduunka, taasoo ahayd guushii xulka Zimbabwe is reeb rwebka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar bishii November 2019.

Hayford oo horey tababare ugu soo noqday xulka haweenka kubada cagta ee dalka Ghana ayaa hore u saxiixay heshiis labo sano ah oo tababaraha xulka Soomaaliya, isagoo badalay Mohamed Abdulla Fara yare bishii Maarso 2019.

Tababarahan oo u dhashay Ghana ayaa labo jeer ku guulaysatay koobka Premier League ee Ghana oo uu la qaaday Asante Kotoko 2007/2008 iyo Ashantigold SC xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here