Tababarihii hore ee Real Madrid Zidane ayaa wadahadalo la yeeshay PSG

Tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayay PSG u diyaarineysaa bedelka Mauricio Pochettino iyo inuu la shaqeeyo Lionel Messi .

Taasi waa sida uu sheegayo khabiirka guud ee Okdiario Eduardo Inda, oo werinaya in Pochettino uu ku sugan yahay xaalad adag oo dhanka kooxda h

Inda ayaa sheegaysa in Zidane yahay dookha 1 -aad ee PSG si uu u badalo Macalinka reer Argentine isaga oo xitaa xiriir la sameeyay xiddiga reer France bishii hore.

“Pochettino ayaa laga yaabaa inuu si dhaqso ah u soo baxo , qorshaha PSG ee B wuxuu noqon doonaa Zidane, kaasoo ay la hadleen bishii August ee la soo dhaafay,” sida uu u sheegay El Chiringuito .

“Wuu iska diiday sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu tababare u noqdo Faransiiska, laakiin PSG waxay xusuusisay in Koobka Adduunka ee soo socda ee Qatar uu ku jiro xilli ciyaareedka, waxayna u oggolaan lahaayeen inuu isku daro labada shaqo”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com