Taageerayaasha Real Madrid Oo U Codeeyay Xiddigii Ugu Xumaa Kooxda Iyo Laacibkii Ugu Fiicnaa Xilli Ciyaareedkan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Real Madrid ayaa mar kale ku guuleysatay koobka horyaalka Spain. Waa koobkoodii ugu horeysay ee tan iyo xilli ciyaareedkii 2016/17, lamana beenin karo in kooxda Zinedine Zidane ay u qalmeen horyaalka.

Barcelona ma aheyn kuwa awood u lahaa inay soo bandhigaan qaab ciyaareed la mid ah kan Real Madrid sannadkan 2020 iyadoo kooxda ka dhisan warkii.com Spain ay badisay 10kii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka La Liga.

Waxaa jiray xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican oo joogta ah soo bandhigayay xilli ciyaareedkan, laakiin ayay taageerayaasha Real Madrid u codeeyeen?

Advertisements

Xiddiga ugu fiicnaa kooxda xilli ciyaareedkan waxaa loo codeeyay kabtan Sergio Ramos oo ka mid ah daafacyada ugu gooldhalinta badan dunida, wuxuu kooxda ku hogaamiyay guulo badan, wuxuun ahaaa laf dhabarta kooxda.

Waxaa ku soo xiga oo kaalinta labaad soo galay Karim Benzema iyadoo weeraryahanka Faransiiska uu xilli ciyaareedkan wacdarro dhigay isagoo ah xiddiga ugu goolasha badan kooxda, wuxuu sidoo kale kaalinta labaad kaga jiraa tartanka gooldhalinta La Liga isagoo leh 21 gool, wuxuu labo gool ka danbeeyaa Messi oo tartanka hogaaminaya.

Waxaan isna ka dhicin oo kaalinta 3aad soo ciriirsaday goolhaye Thibaut Courtois kaasoo badbaadino badan sameeyay islamarkaana dhibco badan u badbaadiyay Los Blancos xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha ayaa ugu codeeyay Gareth Bale inuu yahay xiddigii ugu xumaa xilli ciyaareedkan isagoo qiimeynta ay ku sameeyay 25ka xiddig ee kooxda koowaad ka soo galay kaalinta ugu danbeysa ee 25.

Waxaa isna liiska xiddigaha ugu xumaa xilli ciyaareedkan ka mid ah James Rodriguez oo aan kulamo badan ciyaarin iyo weeraryahanka fashilmay Luka Jovic.

Codbixinta waxaa taageerayaasha Real Madrid ka qaaday jariirada Marca iyagoo qiimeeyay 25ka xiddig ee kooxda koowaad. Kala sareyntaan waa sida ay tahay waqtiga aan haatan warbixintaan qoreyno:

25. Gareth Bale

24. James Rodriguez

23. Luka Jovic

22. Lucas Vazquez

21. Nacho Fernandez

20. Eden Hazard

19. Brahim Diaz

18. Alphonse Areola

17. Mariano Diaz

16. Isco

15. Marcelo

14. Eder Militao

13. Marco Asensio

12. Rodrygo Goes

11. Vinicius Junior

10. Dani Carvajal

9. Ferland Mendy

8. Raphael Varane

7. Luka Modric

6. Fede Valverde

5. Toni Kroos

4. Casemiro

3. Thibaut Courtois

2. Karim Benzema

1. Sergio Ramos

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII