Taageerayaasha PSG oo furka ku tuuray Neymar oo Cayilay kadib Sawir laga soo qaaday

Isagoo doon saaran ayaa sawir laga soo qaaday Xidiga Reer Brazil ee Neymar kaasi oo laga dareemayo in jir ahaan uu isbadalay.

Warbaahinta Faransiiska ayaa tooshka la qaatay Xidigan oo la siiyay Fasax dheer kadib markii uu dhameestay Copa America.

Dhawaan ayuu ku soo laabtay Kooxda PSG lakin sheekada hadal heynta badan ayaa ah in jir ahaan uu isbadalay waxana taageerayaasha kooxda ay ka walwalsan yihiin taam ahaan shihiisa.

66 daqiiqo ayuu ciyaaray tan iyo markii uu ku soo laabtay Kooxda waxana uu Xidigan oo ka jawaabaya arintan uu sheegay in ay tahay wax lagu qoslo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here