Taageerayaasha Man United Oo Ka Baryay Xiddigaan Inuu Dabaaldeg Cusub Sameysto Iyagoo Aan Ku Qancin Dabaaldegiisii Shalay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Weeraryahanka Manchester United Mason Greenwood ayaa loogu baaqay inuu la yimaado qaab cusub oo uu u dabaaldego ka dib markii uu jilbaha ku taraaraxay kulankii Aston Villa.

Da’ yarkaan ayaa sumcadiisa kooxda sii dhistay ka dib gool kale oo uu ku dhaliyay Villa Park iyadoo Man United ay 3-0 ku badisay.

Waxay taasi ka dhigan tahay inuu dhaliyay 16 gool iyadoo 18 jirkaan loo saadaaliyay inuu mustaqbalka hogaamin doono xulka England.

Laakiin hal sheey oo ay taageerayaasha Man United jecleysanin ayaa ah qaabka uu ugu dabaaldego goolashiisa.

Ka dib markii uu ciyaarta ka dhigay 2-0 isagoo kubad qurux badan ka soo dhameystiray meel 20 mitir u jirta goolka, 18 jirkaan ayaa jilbaha ku soo taraarxay ka hor inta uusan dhulka isku tuurin.

Taageerayaasha Man United ayaa ku duceysanaya inuu la yimaado dabaaldeg cusub oo xiiso leh.

Taageere ayaa soo qoray: “Mason Greenwood wuxuu u baahan yahay dabaaldeg fiican sida ugu dhakhsiyaha badan”

Mid kale ayaa sheegay inuu jeclaan inuu arko 18 jirkaan oo sameysta dabaaldeg isaga kaliya lagu yaqaano.

Taageerayaasha qaarkood ayaa ku baaqay in la mamnuuco dabaaldegii uu sameeyay madaama uu ka walwalsan yahay jilbaha 18 jirkaan oo uu sheegay inuu midkiiba qiimihiisa yahay 75 milyan ginni.

Jilbo ku taraaraxa iyo dhulka oo la isku sii tuuro waxaa iyagana u dabaaldegi jiray Wayne Rooney iyo Robin van Persie waqtigoodii Old Trafford.

Laakiin marka laga soo tago dabaaldegaas, waxay aheyd habeen kale oo wacan oo soo maray weeraryahanka u soo baxay Manchester United.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII