Taageerayaasha Barcelona Oo Qiimeeyay Sida Ay U Kala Fiican Yihiin Laacibiintooda, Lionel Messi Oo 2aad Galay & Xiddig Aadan Fileynin Oo 1aad Galay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Lionel Messi ayaa lagu qiimeeyay xiddiga labaad ee ugu fiican Barcelona xilli ciyaareedkan ka dib codbixin ay taageerayaasha Barcelona ka qaaday jariirada Isbaanishka ee Marca,.

Halyeeyga Barcelona ayaa weerar ku qaaday kooxda ka dib guuldaradii ka soo gaartay Osasuna habeenkii Khamiista taasoo ka dhigeysa inay sixun ku dhameystaan xilli ciyaareedka La Liga iyadoo koobka ay ku guuleysatay Real Madrid.

Messi ayaa tusaale u soo qaatay guuldarooyinkii Champions League ee kooxda ka soo gaaray Roma 2018 iyo Liverpool 2019 isagoo tilmaamay in kooxdiisa ay noqotay mid daciif ah oo aan xamaasad laheyn.

Advertisements

Laakiin sida lagu sheegey codbixin ay qaaday Marca ayaa lagu qiimeeyay 22ka ciyaaryahanka ee kooxda koowaad ee Barcelona iyadoo Lionel Messi uu soo galay kaalinta labaad.

Goolhayaha Jarmalka Marc-Andre ter Stegen ayaa kaalinta koowaad soo galay isagoo loo arkay inuu ka fiicnaa Messi xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha da’da yar Riqui Puig iyo Ansu Fati ayaa qiimeynta meel kore ka soo galay halka seddexda xiddig ee Faransiiska ee Antoine Griezmann, Ousmane Dembele iyo Samuel Umtiti ayaa soo galeen shanta boos ee ugu hooseysa.

Messi ayaa sida cad ka careysnaa guuldaradii Osasuna isagoo suxufiyiinta ku yiri: “Waxaan hore u sheegay in haddii aan sidaan sii ahaano inay adkaan doonto inaan ku guuleysano Champions League.

“Xitaa kuma aynan guuleysan La Liga. Haddii aan jawaab celin bixin weyno, ma garaaci karno Napoli.

“Waan hubaa in taageerayaasha uu ka dhamaanayo sababtoo ah sida aan u soo ciyaarnay kulamadii Roma iyo Liverpool, ma jirto wax aan siineyno iyaga”

Kaalima ay kala galeen xiddigaha Barcelona xilli ciyaareedkan:

1- Ter Stegen

2- Lionel Messi

3- Rique Puig

4 – Ansu Fati

5 – Lenglet

6 – De Jong

7 – Semedo

9 – Arturo Vidal

10 – Sergi Roberto

11 – Araujo

12 – Gerard Pique

13 – Sergio Busquets

14 – Arthur

15 – Luis Suarez

16 – Jordi Alba

17 – Rakitic

18 – Braithwaite

19 – Antoine Griezmann

20 – Neto

21 – Junior Firpo

22 – Samuel Umtiti

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII