Suuqa kala iibsiga Maanta: Pep Guardiola oo Cadeeyay Saxiixa uu doonayo, Barca oo ku biirtay Xiisaha Dani Olmo balse, Sheekada Franck Kessie iyo Qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City tababaraheeda Pep Guardiola ayaa kooxda xagaaga dambe ka doonaya saxeexa Kalvin Phillips oo Leeds United ka tirsan. (Fichajes, in Spanish)

Barcelona ayaa bar-tilmaameed ka dhiganaysa xiddiga RB Leipzig ee Dani Olmo balse waxa sidoo kale 23 sano jirkaas doonaya Man United, Bayern Munich iyo Juventus. (Marca, in Spanish)

Everton ayaa ku fashilantay inay iibiso 30 sano jirka ree Colombia ee James Rodriguez sababtoo ah mushaharkiisa 250,000 ee pound ah toddovaadkii. (Football Insider)

Barcelona ayaa xiisaynaysa Youri Tielemans oo Leicester City ka tirsan walow aysan 24 sano jirkaas u arkin bar-tilmaameedkooda koowaad. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Everton ayaa kali ku noqon doonta doonista daafaca midig ee Rangers ee Nathan Patterson kaddib markii ay Liverpool ka baxday rabitaankeedii 19 sano jirkaas. (Sun)

21 sano jirka kooxda Burnley ee Dwight McNeil ayaa sheegay inuu kooxdiisa ku faraxsan yahay isla markaana uusan wax dalabaad ah helin xagaagii walow lala xidhiidhinayay inuu ka tagayo gegida Turf Moor. (Lancs Live)

Kooxo Premier League ah ayaa xiisaynaya 21 sano jirka ree Sweden ee Alexander Isak walow uu dhawaan heshiis wakhti dheer ah u saxeexay Real Sociedad, Chelsea iyo Man City ayaa hore u xiisaynayay. (Fichajes via Teamtalk)

Tottenham Hotspur ayaa furtay wadahadalo ah suurogalnimada ay kula saxeexan karto daafaca Ajax ee Jurrien Timber. (Todofichajes in Spanish)

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay wadahadalo la furto wakiilada Ousmane Dembele si ay 24 sano jirkaas heshiis cusub uga saxeexato balse wali wax kulan ah may wada qaadan. (Mundo Deportivo, in Spanish)

AC Milan 24 sano jirkeeda khadka dhexe ee Franck Kessie ayaa xiiso ka helaya Barcelona balse kooxda ayaa tartan kala kulmaysa Liverpool, Tottenham iyo PSG. (Mundo Deportivo, in Spanish)

21 sano jirka kooxda Fiorentina ee Dusan Vlahovic oo xiiso ka helay Atletico Madrid iyo Tottenham xagaagii ayaa kooxdaas kula jira wadahadalo uu heshiis kordhin ugu samaynayo. (Fabrizio Romano)

Houssem Aouar ayaa hoos u dhigay wararka la xidhiidhinaya Arsenal waxaana uu sheegay inuu isha ku hayo inuu Lyon usoo saaro Champions League. (Metro)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com