Suuqa kala iibsiga Caawa: Liverpool oo Xiiseeneysa Franck Kessie, Emerson Rodriguez oo looga gacan haatinayo Chelsea, Man City, iyo qodobo kale

Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Liverpool ayaa,  ugaarsi ugu jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie. sida laga soo xigtay SportItalia ,

Wakiilka xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Colombia Emerson Rodriguez ayaa ku waramaya in macmiilkiisu uu xiiso ka helay kooxaha Manchester City iyo Chelsea. Goal

Wiilka David Beckham ee  Romeo ayaa qandaraas xirfadeed la saxiixday Fort Lauderdale CF ee Dalka Mareykanka. fortlauderdalecf.

Paris Saint-Germain, ayaa kula dagaallami doontaa Real Madrid xidiga Erling Haaland sannadka 2022 haddii Kylian Mbappe go’aansado inuu u dhaqaaqo. sida laga soo xigtay AS 

Le10Sport ayaa sheegeysa in Paris Saint-Germain ay la hadashay Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan xiddiga reer Portugal si qiiro leh ugu laaban Manchester United.

Bruno Alves ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda Giriigga ee Apollon Smyrnis, sida ay qortay Sport 24 .

Barcelona ayaa qarka u saaran inay wadahadalo la gasho RB Leipzig oo ku aadan u dhaqaaqista Dani Olmo. sida ay ku warameyso  Mundo Deportivo.

Franck Ribery ayaa dhameystiri doona u dhaqaaqista kooxda Serie A ee Salernitana,  Sky Sport  ayaa warinaysa.

Barcelona ayaa isku dayday inay iska dirto Samuel Umtiti intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ee dhawaan, laakiin daafaca ayaa diiday inuu aado wuxuuna ku adkeystay inuu doonayo inuu fuliyo heshiiskiisa.

Wargayska Mundo Deportivo  ayaa sheegaya in uu la kulmay madaxweynaha kooxda Joan Laporta todobaadkan si ay ugala hadlaan mustaqbalkiisa waxana uu ooyay intii ay sheekadu socotay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here