Dowladda Suudaan ayaa war ka soo saartay geeridii ki timid Allaha u naxariistee Sheekh Nuureyn Maxamed Siddiiq oo ahaa xaafidul Qur’aan siiqo wanaagsan ku aqrin jiray Qur’aanka Kariimka, islamarkaana si weyn loo jeclaa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta Suudaan ayaa waxaa lagu faah faahiyey shil gaari oo uu ku dhintay wadaadkaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Umdurmaan.

Ugu horreyn wasaaradda ayaa ka tacsiyadeysay geerida marxuumka oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ay ku xiriirto ee Internet-ka.

Wasaaradda ayaa shaaciyey in sidoo kale ay shilkaasi gaari ay ku geeriyoodeen saddex ruux kale oo la socotay Sheekh Nuureyn oo kala ah: Cali Yacquub, C/laahi Cawad Al-Kariim & Mahad Al-Kanaani, halka dhaawac uu soo gaaray Maxamed Xamdaan Daqlow.

Sheekha oo ka soo jeeda magaalada Baaraa oo ku taalla waqooyiga gobolka Kurdufaan ee Suudaan ayaa Imaam ka noqday Masaajidka ugu caansan magaalada Khartuum.

Suudaan wuxuu Sheekhu ku metalay AUN tartamo Qur’aan oo ka kala dhacay dalalka Malaysia & Imaaraatka Carabta iyo wadamo kala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here