Sushant aabihiisa oo laga been abuurtay isagoona magaciisa lagu samaystay Akoonka Twitter

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Jilaaga Bollywoodka Sushant Singh Rajput aabihiis ninka lagu magacaabo K K Singh ayaa la sheegay inuusan lahayn majiro ama uusan isticmaalin baraha bulshada isagoona laga been abuurtay barta maadaama magaciisa lagu samaystay acount been abuur ah

 ilo ku dhow qoyska ayaa maalintii shalay ka jawaabaya xili ay  warbixinnada warar ku saabsan geerida jilaaga kadib markii lagu soo baahiyay baraha bulshada.

Sushant Rajput, oo 34 jir ah kaaso kusoo caan baxay  filimka ‘Kai Po Che! sidoo klena kasoo muuqday aflaamta kala ah ‘MS Dhoni: The Untold Story’ iyo ‘Chhichhore’, ayaa waxaa geeridiisa la shaaciyay 14-bishii hore

laakiin aabaha Sushant Isaga  naftiisa wuxuu si sax ah u beeniyay jiritaanka Acount been abuurka ah ee magaciisa lagu qaraabanaayo waxaana sidoo kale ku booriyay kuwa ka dambeeya waxyaabaha noocaas ah in aysan jahwareer ka dhex abuurin shacabka, “qoyska

wararka ayaa intaa ku dartay in qoysku aysan sii deynin wax hadal ah oo la xiriira Rajput wixii ka dambeeyay 27-kii Juun, oo ay ku dhawaaqeen dadaallo lagu taageerayo baaritaanka booliska ee kiiskan gacanta ku hayaan

Qoysku sidoo kale ma aysan siin wax wareysi ah oo warbaahin ah ama qoraal ay wadaagaan oo ku saabsan warbaahinta bulshada. Sida warbixinta lagu sheegay Sushant aabihiisa Singh ayaa bartiisa been abuurka ee -ka soo dhigay in dilkiisa wiilkiisa Sushant  ay la dambeeyaan dadka caan ah


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII