Supercomputer oo Saadaal Ka Bixiyay Kulamada Todobaadkan iyo Kooxaha Badinaya Horyaalka Premier League

Kaddib markii uu Cristiano Ronaldo yimid horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, dibna uu ugu saxeexay Manchester United  oo 12 sannadood uu ka maqnaa, waxa isbeddel ku dhacay saadaasha Supercomputer ee xilli ciyaareedkan oo waqti hore ay sii saadaaliyeen sida kooxuhu u kala sarrayn doonaan maalinta ugu dambaysa ee  horyaalka lasoo gabogabaynayo.

Ronaldo ayaa u sheegay ciyaartoyda Manchester United, in ay u baahan yihiin inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin Supercomputer ayaa soo saaray saadaal niyad-jabinaysa laacibka reer Portugal.

Red Devils oo sidoo kale lasoo saxeexatay Jadon Sancho iyo Raphael Varane, waxay kalsooni buuxda ku qabaan inay hanan doonaan horyaalkoodii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 2013 oo ahayd xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ee Sir Alex Ferguson.

Saadaasha cusub ee Supercomputer oo ay ku salleeyeen xog ay ka ururiyeen awoodda kooxaha iyo heerka tayada ciyaartoyda ay haystaan ayaa waxay muujisay, in Manchester City ay noqon doonto kooxda difaacata koobka ee ku guuleysata markii afraad muddo shan sannadood ah.

Supercomputer oo saadaashiisii bilowgii xilli ciyaareedka ka hor intii aanu Ronaldo imanin Man United sidan oo kale Man City ugu saadaaliyey horyaalka ayaan waxba ka beddelin kaalinta ugu sarraysa.

Chelsea oo si weyn isku xoojisay ayay Manchester City ka horreyn doontaa, waxaana Thomas Tuchel ay kooxdiisu ku dhamaysan doontaa kaalinta labaad, halka Liverpool ay afraad noqon doonto, taas oo ka dhigan in tababare Jurgen Klopp iyo kooxdiisu ay sannadkii labaad oo xidhiidh ah ku dhamaysan doonaan kaalinta saddexaad.

Manchester United oo ah kooxda labaad ee Premier League ah ee lacagtii ugu badnayd suuqa gelisay suuqii iibka ee  dhowaanta xidhmay ayaa waxay ku dhamaysan doontaa kaalinta afraad sida ay muujinayso saadaasha Supercomputer.

Leicester City ayaa shanaad noqon doonta iyadoo waxyar ka hoosayn doonta Manchester United, halka Tottenham ay lixaad u dhici doonto inkasta oo ay hoggaaminayaan horyaalka hadda.

Norwich City ayaa loo saadaaliyey kaalinta  ugu hoosaysa horyaalka Premier League, waxaana sidoo kale heerka labaad u degi doona Watford iyo Crystal Palace.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here