Steve McManaman oo ka dhawaajiyay in Paul Pogba uu sii joogo Kooxda Manchester United

Steve McManaman ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko Paul Pogba oo mustaqbalkiisa u hibeeya Manchester United isagoo saxiixay heshiis cusub.

Mustaqbalka xiddiga qadka dhexe ee reer France ayaa ahaa hadal haynta aan kala joogsiga lahayn bilihii la soo dhaafay sababtuna waa xaqiiqda ah in uu dhacayo heshiiskiisa Old Trafford.

Qandaraaska Pogba ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareed kaan mana jirin wali wax weyn oo muujinaya in ciyaaryahanka khadka dhexe uu qorsheynayo inuu heshiis cusub u saxiixo Red Devils.

Horaantii isbuucaan, wakiilka Pogba Mino Raiola ayaa soo jeediyay in ku laabashada Juventus laga yaabo inay ku xirnaato macmiilkiisa, xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid xilli hore.

Sida xaalku yahay, Pogba wuxuu awood u yeelan doonaa inuu wadahadalo la furo kooxaha ajaanibta laga bilaabo Janaayo, waxaana laga yaabaa inuu xagaaga dambe si xor ah uga tago Manchester United.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigii hore ee Liverpool FC iyo Real Madrid McManaman ayaa dareensan in Pogba ay u fiicnaan lahayd inuu sii joogo Old Trafford – wuxuuna sheegay inuu yahay xidig muhiim u ah kooxda iyo Premier League ah.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay horseracing.net , McManaman wuxuu yiri: “Waa wax aan la dhihi karin, haddii Paul Pogba lagu heli lahaa qandaraas bilaash ah, kooxo badan ayaa aad u xiiseyn lahaa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com