Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay gobolka Izmir ee dalka Turkiga, waxaana jira wali rajo laga qabo in la helo dad ku xayiran dhismayaashii dumay hoostooda taasoo baadi goobo loogu jiro.

Soomaalida ku nool wadanka Turkiga ayaa qeyb ka ah baadi goobka dadka lagu la’yahay dhul gariirka iyadoo lasoo warinayo in dad Soomaali ah oo macdanta qoda ay si samafal ah ugu gurmanayaan dadka ku dhibaateysan dhismayaasha hoostooda.

Soomaali ku nool degmada Bayraklı ayaa shaqadooda usoo dhaafay si ay u badbaadiyaan walaalahood, waxeyna u warrameen idaacadda adduunka la hadasha BBC-da qeybteeda afka turkiga.

Ilaa iyo hadda 81-qofood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dhul-gariirka ka dhacay Izmir maalinimadii Jimcaha, waxaana cabirkiisa lagu sheegay 6.9, waxaana wali socda dadaallo lagu soo badbaadinayo dad la tuhunsan yahay iney wali nool yahin.

Muddo ku dhaw 10-sano dhul-gariir nuucaan ah ma aysan arkin dadka Turkiga, waxaana ugu dambeysay sanadkii 2011 markaas oo magaalada Van ee bariga Turkiga dhacda uu ku dhuftay dhul gariir xoogan oo galaaftay nolosha 500 qofood.

Dhamaadkii qarnigii hore ayey Turkiga la kulmeen dhul gariirkii ugu xooganaa ebid, waxaana uga geeriyootay 18 kun oo qofood kadib laba dhul gariir oo ka dhacay waqooyi galbeed dalkaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here