Son Heung-min oo dhaawac kasoo gaaray waajibaadka Xulkiisa

@Reuters

FA-ga Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in xiddiga garabka uga ciyaara Tottenham Son Heung-min uu soo gaaray dhaawac kubka ah taas oo meesha ka saari doonta kulanka uu dalkiisu la yeelan doono Lubnaan Talaadada.

Son wuxuu ciyaaray 90 daqiiqo khamiistii barbaro 0-0 ah waxaana la filayay inuu sidaas oo kale sameeyo kulankii Lubnaan, iyadoo Kuuriyada Koonfureed ay durbaba ciyaartay kulamo muhiimka ee ololahooda isreebreebka Koobka Adduunka.

Nasiib darrose, waa inay u soo baxaan ciyaarta Talaadada iyagoon haysan xidigooda maadaama Son uu dhaawac soo gaaray.

Sida laga soo xigtay Naver , Son ayaa laga saaray ciyaarta ka dib markii uu dhaawac kubka ah ka soo gaaray tababarka, kaasoo qof walba oo Tottenham ah ama taageero u ah ay naxdin ku tahay

Lama soo hadal qaadin in dhaawac uu yahay mid culus laakiin sida iska cad waa ku filan tahay in laga reebo ciyaarta Talaadada, sidaa darteed ku lug lahaanshihiisa kulamada soo socda ee Spurs ee Premier League ayaa u muuqda mid shaki ku jiro.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here