Solskjaer oo ka hadlay go’ankiisa Jesse Lingard ee Manchester United

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku adkeysanaya inuu doonayo inuu sii haysto Jesse Lingard .

Lingard, oo qandaraaskiisu dhacay bishii Juun, ayaa la dhaleeceeyay toddobaadkan ka dib markii baas xun uu sameeyay ay keentay in Young Boys guul ka gaaraan Man united Champions League.

Solskjaer ayaa yiri: “Xilli ciyaareedkan waxaa uga haray qandaraas, waxaan la hadlaynaa isaga iyo aabihiis.

“Waxaan u aragnaa inuu yahay ciyaaryahan United mustaqbalka sidoo kale.”

Macalinka ayaa ku Qanacsan xidigan inkastoo Taageerayaasha iyo sidoo kale xidigaha horay u soo maray kooxda ay ku dhaliilayaan kubadiisa mararka qaar.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com