SIR LA HELAY: Qoor qoor Uu Dib Usoo celinaya Madaxdii Ahlusuna

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa dadaal ku bixinaya sidii uu heshiis ula gali lahaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir oo haatan ka maqan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xaliyay khilaafyadii ka dhashay doorashadiisa gaar ahaan musharixiintii raadinaysay kursiga uu ka fadhiyo, marka laga soo tago hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca oo Dhuusamareeb looga saaray dagaal qaatay ku dhawaad 24 saac.

Xog ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu dadaal ku bixinayo sidii uu heshiis ula gali lahaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Shaakir oo haatan ka maqan Dhuusamareeb.

Qoor Qoor oo kaashanaya Siyaasiyiin Reer Galmudug ayaa kulamo la qaatay Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha iyo Xildhibaan hore Cabdisamad Macalin Maxamuud oo wakiil ka ah Ahlusunna kaas oo xalay ka soo muuqday Xafladda Furitaanka Shirka Dhuusamareb.

Xogtan oo si gaar ay u baartey Warbaahinta Maxaliga ah Mustaqbal ayaa muujineysa dhab ahaanta isku daygan madaxweynuhu ku baadi goobayo Ahlusunna oo deegaankan mudo soo maamuleysay mar dambena Dagaal lagaga adkaadey la gashey isaga .


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII