SIR CULUS MW Farmaajo , RW Khayre & Sirdoonka Qatar oo iska kaashanayo mudo kordhin 2 Sano ah

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

Safarka Raisal Wasaare Khayre uu ku tagay  DOHA – QATAR wuxuu ahaa Mid looga xaajoonaayo sidii Xisbiga Nabad & Nolol iyo Dowlada Qatar ay usii maamuli lahayeen 20 sano ee soosocoto Soomaaliya  & sida loohirgalin karo qorshayaashaas.

Ugu Horey kulamadii hore waxaa Raisal Wasaare Khayre losoo jeediyay in uu utanaasulo Madaxweyne Farmaajo , Arrintaas Raisal Wasaare Khayre wayku adkaatay wuxuuna Saaxiibadiisa QATAR kuyiri hadii aan u tanaasulo waxaa dhaawacmaya Sumcadeeda & mida qabiilka aanka dhashay sidaasi darteed qorsho hala keeno arrimahaan lagu xaliyo.

Wixii ladoodaba leeskuna mari waayay in uu tanaasulo Khayre ayaa lagu fikiray sideen ku xalaaleen karnaa mudo kordhinta 2 sano si aan ugu baaran dagno ugana tuurno kursiga Madaxweynaha Puntland Saciid Abdullahi Dani & Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe & Madaxweynaha Hirshabeelle Waare kuwaaso caqabad 1 aad ku ah Siyaasada Qatar ee Soomaaliya.

Raisal Wasaare Khayre oo ah siyaasi xirfado badan ayaa alifay  qorshe suura galin kartaa in iyadoo burbur dhicin dagaal sokeeyana ka dhicin soomaaliya loona xaqiijin karo Mudo Kordhinta labada Sono ee Dowlada Nabad & Nolol.

Sida Qorshaha udhisan yahay.

Ugu Horeyn Raisal Wasaare Khayre wuxuu lasafanayaa Xubnaha Mucaaradka asagoo kalsooni galinayaa Madaxweyneyaasha Puntland ,Jubaland & Madasha Xisbiyada Qaran oo ayagana saameen xoogan leh.

Markii lasoo shaacbixiyo Khilaafka Farmaajo & Khayre kadib lana gaaro gabagabada waqti xileedka Dowlada Nabad & Nolol iyadoo arrimaha isku cakiran yihiin , Raisal Wasaare Khayre oo kasoo horjeedo Siyaasada farmaajo ayaa Jowhar Xarun Kumeel gaar oo xukuumada ku shaqeeyso ayuu ka dhiganaya , waxaa labilaabayaa dagaal gacan ka hadal oo udhaxeeyo Farmaajo & Khayre ,.

Madaxweyne farmaajo Ciidanka uu kusoo tababartay Eritrea & Ciidanka Aytababareen Turkida wuxuu dhigayaa xuduuda Gobolka Banaadir , Sido kale Ciidamada Kusugan Jubaland ee Dowlada fadaraalka xukuntana waxaa lasoo galinayaa Magaalada Muqdisho.

Dowlada QATAR waxeey bilaabeysa waan waan iyadoo kaashaneyso Qaramada Midoobe, Midowga Yurub , African Union , & Dowladah Daneeyo Soomaaliya si looqaboojiyo xiisada labada Hogaamiye.

waan waan dheer kadib labada dhinac waxaa lagu hishiisiina in loogu daro laba sono mudo xileedkooda , ayagoo labadaasi sano ku hirgalinaayo doorasho qof & cod ah.

Dhamaan xubnaha Mucaaradkana way tageerayaan Raisal Wasaare Khayre , sidaasi waxaa kurumooweyso Mudo kordhinta labada sano ee ay rabaan Nabad & Nolol.

 

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post SIR CULUS MW Farmaajo , RW Khayre & Sirdoonka Qatar oo iska kaashanayo mudo kordhin 2 Sano ah appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII