Sidee Ayuu Paul Pogba Uga Fal Celiyay Fashilkii Uu Ku Biirista Real Madrid?.

Paul Pogba ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago Man United suuqii xagaagan kuna biiro kooxda Real Madrid kuwaas oo si dhab ah u doonayay saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdeeda xilli ciyaareedkan Laakiin Heshiiska ayaan dhicin.

Walaalkala dhashay Paul Pogab ee Mathias ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe diirada saari doono xilli ciyaareedka man United kadib markii uu ku fashilmay in uu ka tago Old Trafford.

Bishii June Pogba ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago Man United si uu u raadsado tartan cusub laakiin inkasta oo uu ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Zidane Real Madrid ayaa diiday in ay bixiso lacagta 150 milyan ee ay Man United dalbanaysay.

United ayaa doonaysay in ay haysato pogba waliba heshiis cusub ka saxiixato laakiin waxa soo baxay todobaadkii hore warar sheegaya in uu xiddiga reer France diiday heshiiska cusub.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu doonayay in uu isaga tago United kuna biiro Real, walaalka la dhashay Pogba ee Mathias ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ka war qabo masuuliyada Man United waliba wax walba u qaban doono sidii uu u caawin lahaa kooxda inkasta oo uu ku fashilmay in uu ka tago.

“Paul wuu ogyahay in uuna haatan ka tagi karin Man United sidaas darteed waxa uu diirada saari doonaa xilli ciyaareedkan”ayuu Mathias yidhi.

“Ma ahan mid fudud haatan sababta oo ah waxa uu masuuliyad badan ka hayaa kooxda”.

“Xiddigo waaweyn ayaa ka tagay kooxda”.

“Xiddiga weyn ee jooga kooxda haatan ayaa ah Goolhaye David De Gea sidaas darteed waa in uu sameeyo dadaal badan kulan kasta”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here