Siciid Deni masoo mari doonaa Muqdisho, marka uu kasoo laabanayo Kismaayo?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duulimaadyada madaxda kala duwan uga soo laabanayaan magaalada Kismaayo oo ay ka dhacayso munaasabada Caleema-Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana wafdigaas kamid ah Madaxweynaha Puntland oo horey u maray duulimaad xagga hawada ah, wuxuuna diiday in uu maro magaalada Muqdisho.

Si weyn ayaa lays ku weydiinaya ma suuragal-baa in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu socdaalkiisa kusoo maro magaalada Muqdisho, laakiin warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in wafdigaas aysan tagi doonaan Muqdisho.

Sidda muuqata Xukuumadda Soomaaliya, waxay hadda qaadaysaa talaabo kasta oo ay awoodo, gaar ahaana ku wajahan xagga duulimaadyada magaalada Kismaayo.

Dadaal badan ayay galinaysaa in uu meelmar noqdo amarkeeda, sidas oo kale duulimaadka ka duulaya Kismaayo ee kuwajahan gobalada kale ee dalka ayaa lahakin doonaa.

Go`aamadan dad badan ayaa rumeysan ina y saameyn ku yeeshan doonaan wafuud tagtay Kismaayo, balse warar kale ayaa sheegaya in hadeerba aysan ku tagin ogolaanshaha dawladda Faderaalka Soomaaliya oo ay ku tageen si iskood ah.

Madaxweynaha Puntland wuxuu dhawaan diiday aqbalida in dawladda Faderaalka amarkeeda la yeelo, wuxuuna sheegay in aysan hawadu aheyn dukaan qof leeyahay oo uu xiran karro, waxaana duulimaad diyaaraded oo toos ah uu ku tagay magaalada Kismaayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here