Siciid Dani Oo Casuumay Mid ka mid ah Murashaxiinta Lagu Dhabar jebinayo Axmed Madoobe

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa waxa uu Casuumaad ufidiyey Mid ka mid ah Murashaxiinta sida weyn uga soo horjeeda Siyaasad ahaan soo laabashada Madaxweyne Axmed Madoobe.

Diyaarad uu la socday C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa waxay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe Ee General Maxamed Abshir.

Waxa dad ku dhaw C/rashiid Xiddig oo murashaxiinta ugu cad cad Jubbaland uu la kulmi doonaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani oo marti qaadkaasi ka helay.

Lama oga waxay kawada hadli doonaan balse waxaa la sheegay in Arimaha Doorashooyinka ay iskula soo hadal qaadi doonaan Shirkooda.

Ilaa hadda waxaa lasoo sheegayaa oo kaliya in C/rashiid Xiddig soo dhaweyntiisa kasokoow inuu ka dalban doono Siciid Dani inuu ka taageero Doorashada Jubbaland.

Madaxtooyada Puntland kama aysan hadlin Safarka C/rashiid Maxamed Xiddig oo Garowe gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here