Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb oo ku dhaw inuu baaqdo hal shardi owgeed

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
202 days
17 hours
31 minutes
13 seconds

Xog si hoose u heshay Muqdisho Online ayaa sheegaysa in uu baaqan doono qabsoomida shirka wadatashiga dowlad goboleedyada & DFS khilaaf hareeyay qabsoomida shirka owgiis.

Dowlad Goboleedyada Jubaland & Puntland ayaa  kasoo horjeestay in amniga hoolka shirka ka dhacaayo aysugaan ciidanka ilaalada Madaxweyne Farmaajo ayagoo ka muujinayo halis &  in aan la isku haleen karin.

RW Khayre & Madaxweyne Qoor Qoor oo bilaabay ineey qanciyaan Madaxweyne Dani & Madaxweyne Ahmed Madoobe sidii ay u aqbali lahayeen in amniga hoolka aysugaan ilaalada Madaxweyne Farmaajo , isku daygaas ayaa fashilmay kadib markii ay si cad udiideen Dani & Ahmed Madoobe  ayagoo usheegay in ay naftooda ku aamini karin farmaajo qof toos uga amar qaato.

Dood dheer kadib Madaxweynayaasha Puntland & Jubaland ayaa soo jeediyay in Amniga Hoolka Shirka kadhacaayo lagu wareejo ilaalada gaarka ee RW Khayre hadii aysan dhicina aysan shirka ka qeyb gali doonin maadama ay si cad usheegeen in MW Farmaajo uu yahay qof wax kasto kasuurtoowdo hada kahorna Siyaasad darteed ayuu uweeraray Guriga Abdirahmaan Abdishakuur laayayna ilaaladii guriga ku sugneed sido kale wuxuu halis galiyay Nolosha Madaxweyneyaashii hore Qaranka Shiekh Sharif Shiekh Ahmed & Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud ayagoo diyaarad saaran Taas waxaa kasii daran Dilkii Gudoomiye Eng Yariisow oo ahaa mid humaag badan ku jiro shaki badana laga qabo in Madaxweyne Farmaajo & Dowlada Qatar siyaasad darteed ineey u dileen. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa asagana ku adkeesanayo in shirka uu gudoomin doono asaga sido kale ilaaladiisana ay sugi doonan amniga hoolka asagoo ku andacoonayo waxaan ahay Madaxweynaha Dalka.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay habdhaqanka Madaxweyne Farmaajo maadama shirkii uu ugu baaqay dowlad goboleedyada ineey xamar isugu yimaadan ay diiden Maamul Goboleedyada in maanta asagoo lacasuumay oo lagu marti qaaday inuu shirka kasoo qeybgalo inuu handadaad & aniga Madaxweyne ah uu keeno waxeey cadeeyneysaa inuu kusoo talagalay inuu fashiliyo shirka maadama labada dowlad goboleed ee Jubaland & Puntland ayku adagtahay in Madaxweynayaashooda amniga naftooda ku aaminan ilaalada Madaxweyne Farmaajo .

In Madaxweyne Farmaajo yahay qof shar kusoo talagalay waxaad ka fahmeeysa Jaakada Xabada oo u xiran Sido Kale Madaxweyne Ahmed Madoobe inuu kusoo dago Cadaado safar dhinaca dhulkana uu ku galo dhuusamareeb waxaa keentay in garoonka diyaarada dhuusamareeb ay amnigiisa hayeen Ciidanka ilaalada MW Farmaajo .

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb oo ku dhaw inuu baaqdo hal shardi owgeed appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII