Shirarka Dhuusamareeb Waxa ka Soo Bixi Karaa waa Halkaan Shey oo kaliya. Akhriso

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 5 minutes

MW Farmajo waxaa uu wadaa dadaallo aad u badan oo uu kolba qof kula kulmayo si uu uga dhaadhiciyo laba qodob midkood:

  1. Doorasho uu ku shuban karo oo uu afar sano ku heli karo, waa qof iyo cod ay xoogga waddaniyiinta ku shubi doonaan sanaadiiqda codka.
  2. Ama muddo Kororsi oo uu ku diyarsan karo inuu ku soo noqdo muddaas ka dib doorashada la qabanayo, iyadoo loo marayo waddo kasta oo lagu heli karo sida Shirka in Xamar la keeno ama mid kale lagu qabto.

Aynu isla falanqeyno qodobadaan oo aan mid mid u eegno.

Qodobka doorashada waxaa uu u baahan yahay in ay maamullada wada ogolaadaan oo kooxo dad ah meel la isugu geeyo si ay u doortaan dadka uu rabo MW Farmajo. Haddaba tsi aas loo helo waa inay maamul goboleedyada ka qeyb qaataan doorashada oo ay dadntooda ka arkaan. Markaas waxaa la qaban karaa doorasho dedban oo ay maamul goboleedyada soo xulaan xildhibaanada, kadibna sidaas lagu doorto Madaxweyne, hasa yeeshee cillada arrintaan ay u leedahy Farmajo waxay tahay isaga iskuma hubi karo koox uusan isaga soo xulin inay u codeynayaan. Sidaas darted waa ku adag tahay inuu aqbalo inay sidaas wax u dhacaan, wuxuuna sameynayaa inuu fashiliyo heshiis kasta oo u nuxurkiisu sidaas yahay am doorasho dedban.

Nooca kale ee doorasho waa tan uu leeyahay waa qof iyo cod. Noocan haddii la aado ma jiraan wax gacan ugu jiraa maamul goboleedyada waxaana isku fuuqsanaya Farmaajo iyo Fahad, waxayna keeneysaa in laga wada takhaluso dhamman  maamullada uu madax taagga ku jiro marka ugu horreysa ee talada gacanta lagu dhigo. Sidaas darted,  Madoobe iyo Deni iyana ma ogolaan karaan doorashada noocan ah oo Xamar laga maamulo. Sidaas waxaa isna daaqada uga baxday noocan doorasho ee qof iyo cod oo maamul goboleedyada waa ku Khasab yihiin inay diidaan, haddii kale waxaa ku leh Farmajo.

Maxaa soo haray? Waxaa soo haray  qodobka muddo kordhinta. Waa qodobka kaliyaa ee u muuqda inay cid waliba xoogaa ka heleyso. Aynu mid mid ama koox koox u egno dadka shaxda Dhuusamarebeed ciyaaraya iyo waliba xataa Saamileyda siyasadda ee xeligaan.

Madaxwetne Faramjo.

MW Farmajo qodobkan waxaa ugu jira laba fa’iido:

  1. Muddada xil haynta oo u kordheysa, taas oo u ah fursad kale oo uu isugu diyaarin karo inuu mar kale soo noqdo ama shaqo fiican ha qabto ama talada xoog ha ku maroorsadee waxaana halkaas uga soo muuqan karta inuu heli karo waqti uu isku diyaariyo inuu muddo korsiga ka dib uu ku soo noqdo talada muddo afar sano oo kale ah. Halkaasna uu ka helo muddo 10 sano ku dhow inuu kursiga madaxtooyada ku fadhiyey.
  2. Inuu sii kala furfuro kooxaha mucaaridka ah iyo madaxda maamul goboleedyada ee aan u hogaansameynin siyaasaddiisa, iyadoo dhaqaale ku filanna u sii urursan karo, shacbigana uu Khasab iyo quus sii gaarsiin karo, si ay u yiraahdaan wax uun ha dhismeen.

Madaxda Maamul Goboleedyada

MMG waxaa noo cad inaysan dan ugu jirin in doorasho la’aado xelligaan noocey doonto ha ahaatee xataa haddii xildhibaanada iyaga ay soo xulayaan waayo waxay haddaba badan kood ku jiraan kala taag. Axmed Madobe ma haysto midnimadii uu lahaa xelligii dowladdii hore oo uu si khalad ula dagaallay. Maanta waxaa ku kacsan qeyb ka mid xildhibaanadiisii, waxayna sugayaan fursad yar oo kaga takhalusi karaan. Haddii doorasho la’aadana waxaa laga yaabaa inay talada uu hadda si caqliyeysan balse xoog daaban uu kula soo noqday inay farahiisa ka baxdo.

Siciid Dani inkasta oo uu u muuqdo inuu gacanta ku haysto Puntland haddana waxaa dab kaga shidan yahay beelaha dega Sool iyo Sanaag iyo Ceyn oo ay Xamar ku kicisay oo u muuqda inay rabi lahaayeen inay talada la wadaagaan beesha Deni uu ka dhasahy oo iyada isku koobtay sidii qori isu dhiibkii oo  kale hogaanka Puntland taas oo ay ka qaybgalayaan inta garoonka ku jirtaa si aad garoonka u soo gashid aad u baahan tahay inaad ahaato cidda la yahay. Sidaas Darteed Siciid Deni waxaa dani ugu jirtaa heshiis oo Xamar kula gaaro Dhuusamareeb heshiiskaas oo ah in isagana dhibta laga joojiyo Xamarna uu la heshiiyo oo Farmajo muddada uu rabo loo kordhiyo, Dhulbahante iyo Warsangeli iyo kooxa ku danta ah laga hakiyo.

Waare Doorashaa jidka ugu soo jirta marka haddii la yiraahdo waxbaa la dheereysanayaa waxaa u muuqata inuusan ku qadeynin oo ay dhici karto in lagu soo heshiiyo wixii wax loogu darayo in isagana loogu daro, mana u muuqata cid Farmajo u dhaanta oo uu maanta raaco. Sidaas darted muddo kororsi ayaa dani ugu jirtaa.

Lafta gareen isaga Meesha oo dhan  waxaa u maamula Farmajo iyo Fahad oo haddii awoodda loo celiyo reer K/Galbeed saacado yar kadib waa la weydiinayaa odaygi ma Xamar ayuu jiraa misa meel kale. Waayo isaga waa wiil Farmajo waana inuu rabaa waxa uu Farmajo rabo. Sidaas darted waxaa uu sameyn doonaa waxkasta oo Farmajo u cimri dheereynaya.

Qoor Qoor waxaa u joogaa intee ka baxaa meel Allah  weli ma fahami karo meel uu ku biro, lakiin waxaa uu mar waliba jeclaan inuu la joogo jinni uu yaqaan inta uu isku aamini lahaa mid cusub oo aan la ogeyn sida uu ula dhaqmi doono. Sidaas daradeed waxaa uu doorasho ka jeclaan lahaa inay muddo korsorsi timaado oo xaalka u sidaan ku sii socdo isagan uu indhabaraqsado, haddii kale waxaa ku adkaaaneysa cidda uu Xamar u soo diri lahaa,  haddii doorasho la qabto maadama muxaafid iyo mucaaridba ay gacmo iyo deynba ku leeyihiin siduu ku yimid.

Galaha Shacbiga

waxay rabitaanka kordhinta muddo xileedka uga horreeyaan Farmajo waayo doorasho nooc kasta oo la aadaa waxay keeni kartaa inay badankood baxaan sida guddoomiye Mursal oo aan isku aamini Karin inuu mustaqbalkiisa go’aamiyo LaftaGaree. Sidaas darted Barlamanka waxaa ka go’an in ay muddo kordhin timaado taas oo ah inay iyaguna joogaan inta uu madaxweynaha joogo ama inta laga qabanayo nooc doorasho oo iyaga la keeno xildhibaanno badala.

Mucaardidka iyo Saamileyda Siyaasadda

Kooxdaan waa kala jabsan yihiin waxaa jirta koox qabta in dhinac walba oo la ‘aado aysan iyagu waxba heleyn oo aysan jirin dhinac u roon, haddii doorasho nooc kastaa la’aado waxba uma diyaarsana, haddii lagu darana wax ay ku diidaan ma yaqaanaan, wana habqanta ugu badan ee qabiilka magacyo xisbi u huwiyey oo rabaa inay wax ku helaan. Waxaa jira kooxo isku toosan oo ay dhici karto haddii doorasho la’aado inay wax xoogaa ka helaan laakiin iyagana waxaa dhib ku haya wali ma yaqaannaan sharciyadii ciyaartya lagu maamuli lahaa si ciyaarta u dheelaan. Sidaas darted waxba kama qabaan haddii Dhuusamareeb ay ka soo baxdo muddo kordhin cayiman oo la timaada:

  1. In la dhiso dowlad (wadaag ah) ay talo ku yeeshaan cidda noqoneysa RW.
  2. In Shaqada ay dowladdaas qabaneyso heshiiska lagu cadeeyo oo la isla ogolaado.
  3. In Xasan Cali kheyre la badalo oo lagu badalo shakhsi fulin kara heshiiska halkaas lagu gaar kalsonina ay ku qabi karaan inuu ka shaqeyn karo hawshaas doorashana ku qabta muddada loo qabtay.

Haddba cidda kaliya ee muddo kordhin ka soo horjeeddaa oo ku dhimanaysaa siyaasad ahaan waa RW Kheyre oo isagu rabi lahaa

  1. in la qabto doorasho dadban oo lagu doorto:
    1. Madaxdweynaha Jamhuuriyadda oo ay soo doortaa xildhibaanada hadda joogo oo loo kordhiyey waqtiga.
    2. Guddoonka Barlamanka hadda joogaa oo ay soo doortaan Xildhibaanada hadda jooga.

Haddii intaas la waayo kheyre waa taariikh oo waxaa uu noqonayaa neefka sabta Dhuusamarenb ka socotaa lagu qasho  oo lagu cuno goobta lagu heshiinayo.

Isku soo duub Ma muuqato wax aan Muddo kordhin ahayn oo Dhuusamareeb ka iman kartaa. Ciddii haysee nala wadaag.

 

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Shirarka Dhuusamareeb Waxa ka Soo Bixi Karaa waa Halkaan Shey oo kaliya. Akhriso appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII