Shir deg deg ah oo Muqdisho uga socda Madasha Xisbiyada Qaran & 2-Arrin oo laga hadlayo

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir deg deg ah ka leh xaaladda amni ee dalka iyo hanaanka ay ku dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah sanadka 2020/21

Shirka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa goobjoog ka ah hoggaamiyaha Madasha Sheikh Shariif Sheikh Axmed,madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud,xubno ka mid ah oo isugu jiro Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya .

Shirkan oo soco doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo hagaajin lahaa amniga dalka guud ahaan gaar ahaan amniga caasimadda Muqdisho iyo sidii doorashada 2020-ka waqtigeeda ugu dhici lahayd oo aanay iman mudo kororsi oo walaaceeda uu jiro.

Xaaladda amni ee dalka ayaa laga deyrinayaa iyadoo Dowladda Federaalka ku adkeysaneyso iney qabaneyso doorasho qof iyo cod ah oo dadka ay doortaan shaqsiga ay doonaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here