Sheikh Shariif Oo Ka Hadlay Xildhibaanada Cusub Ee Jubbaland Una Digay DF

Xisbiga Himimo Qaran oo uu hoggaamiyo Sheikh Shariif Sheikha Axmed ayaa soo dhoweeyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland,kaasi oo xalay lagu dhawaaqay.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland,wuxuuna Xisbiga ku baaqay in doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha Jubbaland ay ku dhacdo si hufan oo nabad galyo ah.

Qoraalka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu digay dowladda Federaalka Soomaaliya iney carqaladeyso doorashada Jubbaland,islamarkaana ka fogaato wax kasta oo shacabka Jubbaland u keeni kara fowdo iyo Bur bur.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran:-

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee uu ku dhawaaqay Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland taariikhdu markay aheyd 12/08/2019.

Xisbigu wuxuu bogaadinayaa shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo Xisbigu ku baaqayo in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah.

Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here