Sheekh Shariif oo Bilaabay Qorshe Culus Damacsan & Safarkiisa Dalka….

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu kasoo laabtay Safarkii uu ku tegay Magaalada Kismaayo.

Shariifka ayaa waxa ilo ku dhaw ay xaqiijiyeen in dhawaan uu aadi doono Imaaraat-ka Carabta oo halkaasi kulan kula yeelan doono Madax katirsan UAE.

Lama sheegin xilliga iyo Ujeedka rasmiga ah ee Kulankaasi la filayo inuu ka dhaco Abu Dubai balse waxa lasoo tebinayaa in galaan galka Siyaasada Soomaaliya Ee Imaaraat-ka rabaan in ay xidido kusii adkeystaan.

Mucaaradka Dawlada hadda jirta ayaa umuuqda inay helayaan taageero dhanka UAE kaga imaanaya xilli la leeyahay Dawlada Dhexe waxay ka feejigan tahay dhaqaalaha la faraqayo Ee Villa Soomaaliya lagu dhabar jebinayo.

Sheekh Shariif ayaa 12-kii Bishaan Kismaayo ka sheegay in ay dhamaatay Rajadii uu ka qabay Dawlada Dhexe Madaxda hogaamisa,taas oo weji kale abuurtay.

Waxa uu sheekh shariif Shaaca ka dhigay in Maamul Gobolleedyada looga baahan yahay inay isku tashadaan oo danahooda ka shaqeeyaan.

Ma cada waxa kasoo bixi doona Kulamadaasi lasii hordhay,xilli Xisbiga Himilo Qaran ay ka saameyn badnaadeen Kan UPD Ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here