Sheekh Shariif “Ma Fileyno Inay Dalka Ka Dhacayso Doorasho Qof Iyo Cod Ah” Khudbadiisii Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh oo Khudbad ka jeediyay Munaasanadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filaayo in dalka ay dhacaan Sanadka 2020.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2020,isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.

Sheekh Shariif oo hadlaayay ayaa waxaa uu yiri ” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato’.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn.

” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here