Sheekh Shaakir Oo La Kulmay Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka

Maxada Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo shalay halkaas gaaray.

Kulanka Sheekh Shaakir uu la qaatay Guddiga soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi,waxaana labada dhinac ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee Galmudug iyo arrimo kale.

Sidoo kale Kulanka ay wada-qaateen Gudiga iyo Madaxa Xukumadda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb.

Guddiga KMG ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ayaa Dhuusamareeb ka wada kulamo wadatashi ah,iyagoona maalmahan socdaal ku marayay dowlad goboleed-yada dalka ka jira si ay u dhageystaan talooyinka la xiriira Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here