Sheekh Bashiir oo War kasoo saaray Cudurdaarkii uu bixiyey Siyaasiga CC shakuur

Guddoomiyaha Hayadda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa War uu soo saaray ku sheegay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur laga aqbali karo cudurdaarkii uu bixiyey labadii muuqaal uu ugu danbeeyay ee uu soo duubay, balsw wuxuu caddeeyay inaan khalad laga famhin ee uu isagu duray xadiiska Rasuulka NNHK.

“Haddii aad soo duubtay muuqaal aad leedahay Khalad baa dhacay anigu intaad ku hadashay iyo cudurdaarkaaga ku saabsan wixii aad ku hadashay ka sheekh Bashiir ahaan waan dhageystay, wuxuu ila yahay mid la aqbali karo, waan ku faraxsanahay inuu qofku khaladkiisa garto waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sheekh Bashiir ayaa intaas ku daray markii ay mowduucaan ka hadleen aysan ujeedkoodu ahayn argudasho , marar badan oo horeba uu C/raxmaan C/shakuur u geystay aflagaado fara badan, isla markaana aysan ka hadlin; balse markii uu Diinta ku xadgudbo ay u taagan yihiin difaaca diinta.

HOOS KA DAAWO

Sh-Bashiir oo sheegay in la aqbalikaro hadalkii ugu dambeeyey ee Siyaasiga CC-shakuur

Sh-Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayey Siyaasiga CC-Shakuur ayaa yiri"Haddii aad soo duubtay Clip aad leedahay Khalad baa dhacay anigu intaad ku hadashay iyo cudurkaaga ku saabsan wixii aad ku hadashay ka sheekh Bashiir ahaan wuxuu ilayahay mid la aqbali karo waan ku faraxsanahay inuu qofku khaladkiisa garto waana soo dhaweynayaa"Sheekh Bashiir oo sii hadlaya ayaa yiri"Anaga markaan mowduucaan ka hadlaynay maahayn wax aan uga aargudaneynay,anaga dhawr jeer oo hore intaasoo aflagaadda ah oo dhibaatooyin ah ayuu culimada u geysan-jiray mana ka hadlin jirin mana isdifaacin jirin,marka nagu waxaan u joogno waa ilaalinta iyo difaaca diinta"

Slået op af Dalsan TV i Lørdag den 7. december 2019

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here