Shaxda Xiddigihii Ku Fashilmay La Liga Ee Ceeboobay Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saraay & Xiddigo Waa Weyn Oo Hogaaminaya

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xiddigihii ku fashilmay La Liga xilli ciyaareedkan ayaa shaaca laga qaaday iyadoo ay ka soo muuqdeen xiddiga Barcelona Antoine Griezmann iyo weeraryahanka Real Madrid Luka Jovic.

Jariirada Isbaanishka ee Marca ayaa soo saartay shaxda xiddigihii ugu xumaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Waxaana ka jiro xiddigo waa weyn oo magac leh kuwaasoo xilli ciyaareedkan ku ceeboobay horyaalka Spain.

Advertisements

Kooxda horyaalka laga qaaday ee Barcelona ayaa labo ciyaaryahan ku leh shaxdaan si la mid ah deriskooda u dhacay heerka labaad ee Espanyol.

Valencia ayaa sidoo kale ku leh labo xiddig halka xitaa kooxda horyaalka qaaday ee Real Madrid ay ku leedahay hal xiddig.

Xiddigii hore ee Atletico Madrid Griezmann ayaa ku guuldareystay inuu wacdarro ka dhigo tan iyo markii uu ku soo biiray Camp Noyu.

Griezmann ayaa 108 milyan ginni uga soo wareegay Atletico si uu uga garab ciyaaro Messi iyo xiddigaha kale ee kooxda, laakiin wax walba ma noqonin sidii uu qorshaha ahaa.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa dhaliyay kaliya sagaal gool 35 kulan uu saftay, iyadoo ay jireen xan ku saabsan inay isku dhacsan yihiin kabtanka kooxda Messi iyadoo Barca ay ku guuldareysatay inay difaacato koobka horyaalka.

Xiddigii Griezmann ka bedelay Atletico Madrid Joao Felix ayaa isna ku soo baxay shaxdaan ka dib markii uu ka soo bixi waaya lacagtii uu ku yimid warkii.com Spain.

Felix ayaa Atletico ku tagay lacag gareysa 113 milyan ginni laakiin xiddiga reer Portugal oo 20 sanno jir ah ayaa dhaliyay kaliya lix gool iyo hal caawin 27 kulan uu saftay.

Weerarka waxaa hogaaminaya xiddiga Real Madrid Luka Jovic oo 22 sanno jir ah kaasoo dhaliyay kaliya labo gool 17 kulan uu saftay isagoo 55 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Frankfurt xagaagii la soo dhaafay.

Dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita ayaa dhulka la galay Jovic iyadoo durbaba lala xiriirinayo inuu kooxda ka tagayo.

Kooxdaan waxaa goolhaye u ah goolhayaha Valencia Jasper Cillessen, goolhayihii hore ee Barcelona ayaa waxaa soo martay xilli ciyaareed xun iyadoo laga dhaliyay 30 gool 24 kulan uu saftay isagoo shabaqa ilaashaday kaliya shan kulan.

Shaxdii ugu xumeyd La Liga xilli ciyaareedkan:

(3-4-3): Cillessen (Valencia); Junior Firpo (Barcelona), Calero (Espnayol) Coreia (Valencia); Joao Felix (Atletico), Vargas (Espanyol), Denis Suarez (Celta Vigo), Lopes (Sevilla); Iglesias (Real Betis), Luka Jovic (Real Madrid, Antoine Griezmann (Barcelona)

Advertisements

Marca's LaLiga Worst XI 2019/20

Marca's LaLiga Worst XI 2019/20

Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII