Shaxda rasmiga ah ee Manchester United Vs Villarreal, Greenwood iyo Ronaldo oo lagu soo bilaabay

30 daqiiqo kadib waxaa bilaabaneysa ciyaarta u dhaxeysa kooxaha Man united iyo Villarreal kuwaasi oo xaqiijiyay shaxdooda kulankan.

Marcus Rashford iyo Amad Diallo ayaa dhaawac ku maqan. Harry Maguire ayaa maqan halka Luke Shaw uu jug ka soo gaaray guuldaradii Aston Villa. Aaron Wan-Bissaka ayaa ganaax ku maqan.

Dhanka Villarreal, Gerard Moreno ayaa weli dhaawacan, Dani Raba, Samuel Chukwueze iyo Juan Foyth ayaa shaki ku jiraa kulanka. Francis Coquelin sidoo kale ma ciyaari doono madaama uu ganaax ku maqan yahay.

Shaxda la xaqiijiyay

Manchester United: De Gea; Dalot, Lindelof, Varane, Telles; McTominay, Pogba; Sancho, Fernandes, Greenwood; Ronaldo

Villarreal: Rulli, Foyth, Albiol, Torres, Moreno, Capoue, Trigueros, Parejo, Yéremi, Danjuma, Alcácer

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com