Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United vs Leicester, Chelsea vs Wolves – Ayay Soo Safeen Lampard & Solskjaer Kulamadaan Muhiimka U Ah U Soo Bixitaanka UCL?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Waxaa maanta la ciyaarayaa kulamadii ugu danbeeyay xilli ciyaareedka Premier League ee 2019-20, iyadoo tartan xoogan uu ka dhaxeeyo kooxaha Liverpool iyo Man City kula biiraya u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Seddex kooxood ayaa si toos ah ugu tartamaya inay buuxiyaan labada boos ee ka banaan afarta kooxood ee Ingariiska ku matalaya Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Labo ka mid ah kooxahaas waxa ay galabta ku balansan yihiin garoonka King Power Stadium iyadoo Manchester United ay booqaneyso kooxda Leicester City iyadoo farqi hal dhibic ah uu u dhaxeeyo labada kooxood.

Advertisements

Man United ayaa ku jirta kaalinta seddexaad iyagoo leh 63 dhibcood, waxay isku dhibco yihiin Chelsea balse farqiga goolasha waxaa ku sareysa Red Devils halka Leicester City ay ku jirto kaalinta shanaad iyagoo leh 62 dhibcood.

Chelsea ayaa iyadana garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweyneysa kooxda Wolves oo ku jirta kaalinta 6aad kuwaasoo tartan ugu jira inay xaqiijistaan u soo bixitaankooda Europa League.

Man United iyo Chelsea ayaa u baahan kaliya barbaro si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda Champions League. Halka Leicester City ay u baahan tahay guul si ay ugu soo baxdo UCL.

SHAXDA RASMIGA AH EE LEICESTER CITY vs MAN UNITED

Leicester: Schmeichel, Morgan, Evans, Justin, Thomas, Ndidi, Tielemans, Choudhury, Albrighton, Vardy, Iheanacho

Keyd: Ward, Gray, Barnes, James, Perez, Mendy, Praet, Bennett, Hirst

Man United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams, Pogba, Matic, Greenwood, Fernandes, Rashford, Martial

Keyd: Romero, Fosu-Mensah, McTominay, Fred, Lingard, Mata, James, Ighalo, Bailly

SHAXDA RASMIGA AH EE CHELSEA vs WOLVES

Chelsea: Caballero; Azpilicueta, Zouma, Rudiger, James, Jorginho, Kovacic, Alonso, Pulisic, Giroud, Mount.

Keyd: Kepa, Christensen, Emerson, Tomori, Loftus-Cheek, Pedro, Barkley, Hudson-Odoi, Abraham.

Wolves: Patricio, Boly, Coady, Saiss, Doherty, Neves, Dendoncker, Jonny, Neto, Jimenez, Jota.

Keyd: Ruddy, Kilman, Buur, Vinagre, Jordao, Gibbs-White, Moutinho, Traore, Podence.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII