Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Burnley – Klopp Oo Isbedelo Ku Sameeyay Shaxdiisa & MSF Oo Dib U Midoobay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kooxda horyaalka qaaday ee Liverpool ayaa maanta garoonkeeda Anfield ku soo dhaweyneysa kooxda Burnley iyagoo indhaha ku haya inay jabiyaan rikoodhka 100ka dhibcood ee ay Man City hore u dhigtay.

Reds ayaa haatan leh 92 dhibcood iyadoo afar kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka, haddii ay wada badiyaan kulamada u haray waxay xilli ciyaareedka ku dhameysan doontaa 104 dhibcood.

Taasoo la micno ah inay noqoneyso kooxdii ugu horeysay taariikhda horyaalka Ingariiska ee in ka badan 100 dhibcood ku qaada koobka horyaalka, iyadoo rikoodhkaas ay haatan 100 dhibcood ku heyso kooxda Pep Guardiola.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isku shaandheyn ku sameynaya had iyo jeer shaxdiisa madaama kooxdiisa ay durbaba xaqiijisatay hanashada horyaalka isagoo isbuucii la soo dhaafay fursad siiyay qaar ka mid ah da’ yarta kooxda sida Williams kaasoo sii xajistay booskiisa balse markaan bedelay Alexander-Arnold.

Robertson ayaa ku soo laabtay booska daafaca bidix iyadoo Gomez uu ka garab ciyaarayo Van Dijk daafaca dhexe.

Kabtan Jordan Henderson ayaa seegaya kulanka maanta ka dib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka taasoo sababtay inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Booska Henderson waxaa maanta bedelay xiddiga da’da yar Jones kaasoo ka garab ciyaaraya Fabinho iyo Wijnaldum halka ay dib u midoobeen seddexda weeraryahan Firmino, Mane iyo Salah.

SHAXDA RASMIGA AH:

Liverpool: Alisson, Williams, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Jones, Firmino, Mane, Salah

Keyd: Adrian, Lovren, Keita, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Shaqiri, Origi, Alexander-Arnold, Elliott

Burnley: Pope, Bardsley, Tarkowski, Long, Taylor, Pieters, Brownhill, Westwood, McNeil, Rodriguez, Wood

Keyd: Peacock-Farrell, Gudmundsson, Brady, Vydra, Thompson, Dunne, Benson, Goodridge, Driscoll-Glennon

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII