Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Villarreal vs Barcelona – Griezmann Oo Kusoo Bilowday Iyo Waxa Laga Yeelay Arthur Melo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Barcelona waxay ku sugan tahay gudaha garoonka Estadio de la Cerámica oo dadka badankiisu ku xasuustaan magaca El Madrigal oo ay ugu tageen Villarreal oo ay ka raadin doonaan inay guul kala soo laabtaan, si ay usoo nooleeyaan tartanka horyaalka LaLiga.

Blaugrana oo maanka ku haysa in Real Madrid ay toddoba dhibcood kaga hayso hoggaanka, waxay ka hor tegaysaa Villarreal oo qaab wanaagsan kusoo jirtay intii horyaalka dib loo bilaabay, waxaanu tababare Quique Setien wax walba u samayn doonaa sidii uu naadigiisa ugu soo celin lahaa dariiqa guusha oo ay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaayeen, isla markaana barbarro isku xigay soo galeen.

Guul ay ka hesho ciyaartan, waxay dhibcaha Real Madrid ka horreyso kusoo koobi doonaan afar dhibcood oo iyaguba marka si loo eego badan, maadaama ay shan ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xili ciyaareedka, laakiin haddii laga badiyo, waxay u muuqan doontaa inay si rasmi ah u hanneeyeen koobka, waana arrinta ay ka dagaallamayaan inay dhacdo.

Tababare Quique Setien ayaa ciyaartan kusoo bilaabay weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann oo kaydka fadhiyey labadii kulan ee hore, waxaana uu ka garab ciyaari doonaa Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Khadka dhexe ayuu isbeddel ku sameeyey tababaruhu, waxaanu keenay Sergi Roberto oo uu kasoo kexeeyey difaaca midig oo uu Nelson Semedo joogo, waxaanay iska garab ciyaarayaan Busquets iyo Arturo Vidal.

Khadka difaaca ayay wada adkaynayaan Gerard Pique, Lenglet, Jordi Alba iyo Nelson Semedo, halka uu goolkana ku diyaarsan yahay Ter Stegen.

Da’yarka Rui Puig oo ciyaartii Atletico Madrid kusoo bilowday ayaa kaydka la wadaagaya Ansu Fati, Rakitic, Arthur iyo kuwo kale.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Barcelona IX: Ter Stegen, Semedo, Piqué, Lenglet, Alba, Vidal, Busquets, Roberto, Messi, Suárez, Griezmann

Kaydka: Neto, Iñaki Peña, Rakitic, Arthur, Braithwaite, Puig, Collado, Ansu Fati, Araujo, Morer, Monchu, Cuenca.

Villarreal: Asenjo, Mario, Albiol, Pau Torres, Alberto Moreno, Cazorla, Iborra, Anguissa, Chukwueze, Gerard Moreno, Alcácer

Kaydka: Fernández, Bacca, Trigueros, Morlanes, Quintilla, Peña, Bruno, Sofian, Moi, Ontiveros, Lozano, Fer Niño

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII