Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Man United vs Southampton – Solskjaer Oo Shaxdii Ugu Adkayd Kusoo Bilaabay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United oo maanka ku haysa inay lugteeda ku xidhan tahay inay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ku fadhiisato, waxay garoonka Old Trafford ku qaabilaysaa Southampton oo hore uga soo yaabsatay Manchester City.

Red Devils lagama soo badinin 17kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxaanay soo dhigeen rikoodh dhinaca goolasha ah iyagoo afartii kulan ee ugu dambeeyey min saddex gool iyo ka badan soo dhaliyey.

Leicester City oo guul-darraysatay kulankeedii Bournemouth ee Axaddii iyo Chelsea oo ay karbaashtay Sheffield United ayay Manchester United dhaafi doontaa haddii ay saddexda dhibcood ka qaadato Southampton.

Phil Jones iyo Axel Tuanzebe oo kaliya ayaa Manchester United dhaawac kaga maqan kulanka, waxaana u diyaarsan shaxdii isku midka ahayd ee afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu ku dheelay oo aanay waxba dhaawac ka ahayn.

Southampton waxa dhinacooda ciyaartan usoo laabtay Jannik Vestergard oo labadii kulan ee hore ku maqnaa dhaawac muruqa ah, mana jiraan dhibaatooyin cusub oo wiiqi kara shaxdii uu tababare Ralph Hasenhuttl guulaha ku gaadhayay kulamadii ugu dambeeyey.

Dhamaan ciyaartoydii uu kula dheelay Everton ee barbaraha ay kusoo dhamaysteen ayaa sidooda taam u ah, waxaase dhaawac ka ah oo aan usoo noqon Moussa Djenerpo, Yan Valery iyo Sofiane Boufal.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kusoo bilaabay isla shaxdii uu kulamadii ugu dambeeyey ku ciyaarayay, waxaana afka hore wadaagaya Anthony Martial, Mason Greenwood iyo Marcus Rashford, halka khadka dhexe ay Nemanja Matic, Paul Pogba iyo Bruno Fernandes wada taagan yihiin.

Difaaca ayay ku midaysan yihiin afarta laacib ee Luke Shaw, Wan-Bissaka, Harry Maguire iyo Lindelof, waxaana kasii dambeeya goolhaye David De Gea.

Solskjaer oo ay ciyaartani xaasaasi u tahay, guul ay ka gaadhaana ay ku geli karayaan kaalinta saddexaad, waxa uu kaydka dhaigay Juan Mata, Pereira, Fred, James, Ighalo, McTominay, Williams, Bailly oo kasoo laabtay dhaawac iyo goolhaye Romero.

Shaxda Rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Shaw, Maguire, Lindelof, Matic, Pogba, Fernandes, Martial, Greenwood, Rashford.

Kaydka: Romero, Bailly, Mata, Pereira, Fred, James, Ighalo, McTominay, Williams.

Southampton XI: McCarthy, Walker-Peters, Bertrand, Stephens, Bednarek, Romeu, Ward-Prowse, Redmond, Armstrong, Adams, Ings.

Kaydka: Gunn, Vestergaard, Long, Obafemi, Hojbjerg, Smallbone, Vokins, Danso, Ferry.

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII