Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Athletic Bilbao vs Real Madrid – Zinedine Zidane Oo Fadhiisiyey Kroos, Isco, Bale Iyo Xiddigo Kale

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Real Madrid ayaa ku sugan garoonka San Mames ee Bilbao, halkaas oo ay isku haleelayaan Athletic Club, waxaanay ciyaartani noqonaysaa mid aanay labada kooxood waxba iskula hadhin oo ay dagaal ciddiyaha la iskula tegay iskugu badheedhayaan.

Real Madrid ayey kulankan ka maqan yihiin ciyaartooyo muhiim ah oo dhaawac ah oo aan liiska lagu soo darin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Eden Hazard iyo Raphael Varane.

Zinedine Zidane ayaa kusoo bilaabay difaacyahannada reer Brazil ee Militao oo galay booska Varane iyo Marcelo oo beddelay Mendy, waxaanay ka garab ciyaarayaan Sergio Ramos iyo Dani Carvajal.

Da’yarka reer Brazil ee Rodrygo Goes iyo laacibka reer Spain ee Marco Asensio ayaa kusoo garab bilowday Karim Benzema oo ay isku kaashanayaan weerarka iyo sidii ay kooxdooda guul ugu hoggaamin lahaayeen.

Khadka dhexe ayey saddexleyda Casemiro, Valverde iyo Luka Modric isku soo garab bilowdeen, iyadoo si lama filaan ah uu Zidane kaydka u fadhiisiyey Toni Kroos.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Militao, Ramos, Marcelo, Casemiro, Valverde, Modric, Asensio, Rodrygo, Benzema.

Athletic Bilbao XI (TBC): Simon, Capa, Nuñez, Martinez, Yuri, Garcia, Vesga, Garcia, Sancet, Cordoba, Williams.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII