Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Aston Villa vs Arsenal – Mikel Arteta Oo Aan Waxba La Hadhin Si Uu Europa League Ugu Dagaallamo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Arsenal oo laba guulood oo waaweyn kasoo kala gaadhay Liverpool iyo Manchester City, waxay ku sugan tahay garoonka Villa Park oo ay kula ciyaarayso Aston Villa, halkaas oo labada kooxood ba ay ugu dagaallamayaan guulo ay aad ugu baahan yihiin.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu u baahan tahay inay saddex dhibcood ee kulankan hesho si ay u fadhiisato kaalinta siddeedaad ee horyaalka, laba dhibcoodna ugu jirsato Tottenham oo toddobaad fadhida iyo saddex dhibcood oo ay ka dambaynayso Wolves oo booskeeda Europa League diyaarsanaysa.

Laakiin Aston Villa ayaa iyaduna guusha ugu baahan si ay uga soo baxdo casaanka oo ay uga badbaadi karto inay dib ugu dagto heerka labaad.

Advertisements

Guul ay Villa gaadho, waxay kaga soo bixi doontaa casaanka, waxaana beddeli karta Watford, hase yeeshee haddii ay guusha waayaan waxay sii fursaddooda sii raadsan karaan illaa ciyaarta ugu dambaysa, laakiin Arsenal ayaa haddii ay guuleysan weydo ciyaartan waxay gebi ahaanba quus ka noqon doontaa in fagaareyaasha Yurub lagu arko xili ciyaareedka dambe.

Arsenal waxa ciyaartan ika maqan difaaca reer Germany ee Shkodran Mustafi oo dhaawac kasoo gaadhay kulankii Manchester City ay kaga reebeen FA Cup, laakiin waxa usoo laabtay Eddie Nketiah oo ganaax saddex ciyaarood ah ku maqnaa.

Pablo Mari, Bernd Leno, Gabriel Martinelli iyo Calum Chambers ayaa dhamaantood aan liiska kooxda ugu jirin dhaawacyo dartood, waxaanay ka maqnaanayaan inta ka  dhiman xili ciyaareedka dambe, iyadoo qaarkoodna shaki la gelinayo taam ahaanshahooda kulamada hore ee xili ciyaareedka soo socda.

Mikel Arteta waxa uu ciyaartan kusoo bilaabay saddexda weeraryahan ee Aubameyang, Lacazette iyo Nketiah oo ganaaxii kaddib boos bilow ah helay.

Khadka  dhexe ayay ku mataanaysan yihiin Dani Ceballos, Torreira iyo Saka, halka difaacana David Luiz uu garabsan doono Holding, Kolasinac iyo Soarez iyadoo goolkana uu Martinez ku diyaarsan yahay.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

ARSENAL: Martinez, Soares, Holding, Luiz, Kolasinac, Saka, Torreira, Ceballos, Aubameyang, Lacazette, Nketiah.

Kaydka: Macey, Bellerin, Tierney, Sokratis, Maitland-Niles, Pepe, Willock, Xhaka, Smith.

ASTON VILLA: Reina, Elmohamady, Mings, Konsa, Targett, McGinn, Hourihane, Luiz, Grealish, Trezeguet, Samatta.

Kaydka: Nyland, Lansbury, Nakamba, El Ghazi, Jota, Guilbert, Hause, Vassilev, Davis.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII