Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Aston Villa & Man United – Solskjaer Oo Shaxdii Ugu Adkayd Kusoo Galay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United waxay ku sugan tahay garoonka Villa Park oo ay marti ugu tahay Aston Villa, halkaas oo ay labada kooxood ugu dagaallami doonaan kulan muhiim u ah labadoodaba oo midkoodna ugu ordayso boosaska sare ee Premier League, midna kaga cararayso inay ka dhacdo sallaanka horyaalka Premier League.

Man United oo ku jirta kaalinta shanaad waxay u baahan tahay guul ay kaalinta afraad ee horyaalka ugu soo dhowaan karto, waxaanay dhibic kaliya ka hoosayn doonaa Leicester City, halka ay Chelsea oo kaalinta saddexaad fadhidaana laba dhibcood ka sarraynayso.

Aston Villa oo iyaduna fadhida kaalinta 19aad waxay u baahan tahay guul ay sare ugu soo ruqaansan karto booska  18aad, si kulamada dambe haddii ay guulo hesho ay ugaga soo bixi karto casaanka.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulanka kusoo bilaabay xiddigihii guulaha u horseedayay ciyaarihii ugu dambeeyey, waxaana afka hore hoggaaminaya Marcus Rashfrod, Mason Greenwood iyo Anthony Martial, kuwaas oo ay badhitaarayaan Bruno Fernandes, Paul Pogba iyo Nemanja Matic.

Difaaca ayuu taam u noqday Lindelof oo shaki la gelinayay caafimaadkiisa kulankan, waxaanu ka garab ciyaarayaa Harry Maguire, Luke Shaw iyo Aaron Wan-Bissaka, halka David de Gea aanay cidina ku haysan booskiisa.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII