Shaxda Rasmiga Ah Ee Crystal Palace vs Man United – Solskjaer Oo Laba Beddel Ku Sameeyey Kooxdii Niyad-jabka Ka Qaaday Southampton

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Manchester United oo 18 ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga badin ayaa marti u ah Crystal Palace, waxaanay dedaal kasta u gelaysaa inay guul ka gaadho si ay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League u geli karto haddii ay Leicester City dhibco lumiso.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer oo Isniintii iska lumisay fursad ay ku geli lahayd kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, waxay kulankan lasoo shir tegay shax ka beddelan sidii uu kulamadii ugu dambeeyey ku ciyaaray, isla markaana jabka xun kasoo gaadhay daqiiqaddii ugu dambaysay ee kulankii Southampton.

Tababare Solskjaer ayaa kaydka u diray Nemanja Matic oo k;hadka dhexe ah, sidoo kalena waxa maqan Luke Shaw oo dhaawac ah iyo da’yarkii beddelayay ee Williams oo labadooduba wax ku noqday ciyaartii Southampton.

Advertisements

Khadka dhexe ayaa waxa ku cusub McTominay oo ka garab ciyaaraya Paul Pogba iyo Bruno Fernandes, waxaana ka horreynaya saddexlaydii afka hore ee Greenwood, Martial iyo Rashford oo aanu isbeddel ku iman.

Laakiin difaaca ayuu Fosu-Mensah kusoo bilowday dhinaca bidix isagoo beddelay Shaw oo dhaawacan, waxaanu ka garab ciyaarayaa Lindelof, Maguire iyo Wan-Bissaka, halka uu goolhaye De Gea.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Fosu-Mensah, Lindelof, Maguire, Wan Bissaka, McTominay, Pogba, Fernandes, Greenwood, Martial, Rashford

Kaydka: Romero, Bailly, Mata, Matic, Lingard, Fred, Dalot, James, Ighalo

Crystal Palace XI: Guaita, Ward, Van Aanholt, Dann, Sakho, McArthur, McCarthy, Milivojevic, Townsend, Zaha, Ayew

Kaydka: Hennessey, Meyer, Kouyate, Schulpp, Kelly, Woods, Mitchell, Pierrick, Riedewald

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII