Shaxda Rasmi Ah Ee Kulamada Newcastle vs Liverpool, Arsenal vs Watford Iyo Man City vs Norwich – Xiddig Weyn Oo Maanta La Macsalaameynayo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Iyadoo maanta la soo gabagabeynayo xilli ciyaareedka horyaalka Premier League, waxaa jira seddex kooxood oo waa weyn oo aysan jirin wax weyn oo ay u ciyaarayaan maanta.

Kooxda horyaalka hanatay ee Liverpool ayaa kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka waxay galabta marti u yihiin Newcastle United, ma jirto wax weyn oo ay u ciyaarayaan oo aan ka aheyn inay doonayaan inay guul ku soo xiraan xilli ciyaareedka.

Sidoo kale kooxda kaalinta labaad ee Man City waa ay xaqiijisatay u soo bixitaankeeda Champions League waxay garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweyneysaa kooxda u dhacday heerka labaad ee Norwich City.

Advertisements

Kulankaan waxaa lagu macsalaameynayaa xiddiga khadka dhexe David Silva oo ka tagaya Man City isagoo ka mid ah xiddigihii khadka dhexe ee abid ugu fiicnaa ee soo mara horyaalka.

Arsenal oo si xun ku dhameysatay xilli ciyaareedkan ayaa kulankooda ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka waxay la dheelayaan Watford oo ay ku marti qaadayaan Emirates Stadium.

Gunners ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo Europa League sidaasi darteed booska ugu fiican ee ay ku dhameysan karaan waa kaalinta 8aad haddii ay galabta badiyaan haddii kale 10aad ayaa ah booskooda ugu hooseeya.

Gunners weli rajo ayay ka qabtaa u soo bixitaanka Europa League laakiin waa haddii ay Chelsea ku garaacdo finalka FA Cup.

SHAXDA RASMIGA AH EE NEWCASTLE vs LIVERPOOl

Newcastle: Dubravka, Fernandez, Rose, Manquillo, Lazaro, Shelvey, Bentaleb, Almiron, Ritchie, Saint-Maximin, Gayle.

Keyd: Darlow, Carroll, Joelinton, Muto, Hayden, Yedlin, S Longstaff, Watts, Young.

Liverpool: Alisson, Williams, Gomez, Van Dijk, Robertson, Keita, Milner, Wijnaldum, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Origi.

Keyd: Adrian, Fabinho, Firmino, Mane, Salah, Shaqiri, Jones, Alexander-Arnold, Elliott.

SHAXDA RASMIGA AH EE ARSENAL vs WATFORD

Arsenal: Martinez, Maitland-Niles, Holding, Luiz, Tierney, Ceballos, Xhaka, Willock, Pepe, Aubameyang, Lacazette

Keyd: Macey, Sokratis, Torreira, Cedric, Nelson, Nketiah, Kolasinac, Smith, Saka

Watford: Foster, Femenia, Dawson, Kabasele, Masina, Hughes, Doucoure, Pereyra, Sarr, Welbeck, Deeney

Keyd: Gomes, Mariappa, Cleverley, Chalobah, Cathcart, Joao Pedro, Gray, Quina, Pussetto

SHAXDA RASMIGA AH EE MAN CITY vs NORWICH CITY

Man City: Ederson, Walker, Garcia, Laporte, Cancelo, Rodri, Foden, De Bruyne, D. Silva, Sterling, Jesus.

Keyd: Carson, Stones, Otamendi, Mendy, Zinchenko, Fernandinho, Gundogan, Mahrez, B. Silva.

Norwich City: Krul, Aarons, Godfrey, Zimmermann, Lewis, McLean, Rupp, Stieperman, Hernandez, Cantwell, Pukki.

Keyd: McGovern, Mair, Vrancic, Idah, Thomas, Famewo, Adshead, Martin.

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII