Shaxda Macquulka Ah Ee Ay Man United Caawa Kala Hortageyso Southampton Xilli Ay Kaalinta 3aad Soo Geli Karaan

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Manchester United ayaa la filayaa inay soo magacowdo shax aan waxba laga bedelin kulanka muhiimka ah ee ay caawa la ciyaarayaan kooxda Southampton.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo safay shax isku mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Premier League.

Madaama ay afarta kulanba ku badiyeen ugu yaraan seddex gool, tababaraha ayaan diyaar u aheyn inuu isbedel ku sameeyo shaxdiisa.

United ayaa 3-0 ku garaacday Aston Villa, Brighton iyo Sheffield United halka ay 5-2 kaga badiyeen Bournemouth.

Iyadoo Chelsea iyo Leicester ay ladaduba guuldarooyin soo gaareen isbuucaan kooxda Solskjaer ayaa ugu danbeyn soo geli karta kaalinta seddexaad.

Man United hal dhibic ayay ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Leicester halka ay labo dhibcood ka danbeeyaan Chelsea iyagoo tartan xoogan ugu jira u soo bixitaanka Champions League.

Solskjaer ayaa diyaar u ah inuu soo safo shaxdiisa guulaha u horseeday inkastoo kulamo xiriir ah ay dheeleen.

David de Gea ayaa goolka sii waardiyeeyn doona, halka Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire iyo Luke Shaw ay ka horeyn doonaan.

Paul Pogba iyo Nemanja Matic ayay u badan tahay inay ka ciyaari doonaan labada boos ee burburiyaha khadka dhexe.

Xiddiga wacdaraha dhigaya Bruno Fernandes ayaa la filayaa inuu ka ciyaaro booska No.10 iyadoo garbahihiisa ay ka dheeli doonaan Mason Greenwood iyo Marcus Rashford.

Waxaa weerarka la filayaa inuu mar kale hogaamiyo xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Anthony Martial.

How Man Utd could line-up against Southampton

How Man Utd could line-up against Southampton

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII